Miyuu Paul Pogba Wakhti Xaadirkan Yahay Mid Suuqa Kala Iibsiga Laga Heli karo? Wakiilka Xiddigan Ee Mino Raiola Oo Jawaab Kama Dambaysa Ah Siiyay Barcelona & Juventus.

Wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa u muuqda mid gabi ahaanba ka adkaysan kari waayay wararka xanta ah ee xiddiga uu wakiilka ka yahay ku hareeraysnaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaana uu ugu dambayn war cad siiyay kooxaha saxeexiisa xiisaynaya.

Pogba iyo tababaraha kooxdiisa Manchester United ee Jose Mourinho ayaa u muuqda kuwo aan sii wada shaqayn karayn kaddib isku dhacyo soo laalaabtay oo labadan shaqsi ka dhaxeeyay bilihii ugu dambeeyay.

Khilaafyada dhex yaala Pogba iyo Mourinho ayaa dhaliyay in durtaba kooxo badani saf usoo galaan saxeexa xiddigan, Kooxahaas oo ay ugu horreeyaan Juventus iyo Barcelona ayaa ugu dambayn ku qanci doona jawaabta ay ka heleen Raiola.

Wakiilka ree Talyaani ayaa sheegay inuusan jeclaysanayn ka hadalka xaalada Pogba ee haatan balse uusan xiddigiisu ahany mid wakhtigan suuqa laga heli karo oo ka baxaya Man United.

“Waxaan doorbidayaa inaanan isaga ka hadal, Waxa uu dhexda kaga jiraa wakhti jilicsan balse suuqa lagama heli karo” Ayuu wakiilkani u sheegay Rai Sports.

Ugu dambay, Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu mustaqbalkiisa kooxda ku xidhay go’aanka ay maamulka kooxdaasi ka qaadan doonaan tababare Jose Mourinho oo u muuqda mid shaqadiisa lumin kara.