Miyuu Paul Pogba Si Sir Ah U Guursaday Saaxiibtii Maria Zulay Salaues? Gabadha Ree Bolivia Oo Bixisay Qish Ay Ku Muujinayso Guurkooda.

Saaxiibta xiddiga kooxda Manchester United ee Paul Pogba oo lagu magacaabo Maria Zulay Salaues ayaa sii hurisay markale wararka sheegaya inay si hoose isku guursadeen xiddigaas kaddib markii ay bedeshay magaceeda barta Instagram.

Gabadhan qaybta ka ah xaysiiska dharka ee kasoo jeeda dalka Bolivia ayaa ah hooyada ilmaha dhawaan dunida ugu soobiiray Pogba waxaana ay guurkooda ku qishtay kaddib markii ay magaceeda Instagram ka dhigtay Zulay Pogba iyada oo qaadatay magaca qoyskiisa.

In Maria Zulay Salaues ay bedeshay magaceeda Instagram ayaa dhalisay in ay markale kor u kacaan wararka xanta ah ee inay is guursadeen Pogba maalmo kaddib xilli ciyaareed niyad jab leh oo Pogba ugu soo dhammaaday Man United.

25 jirkan ayaa markii ugu horreysay gabadhan lagu arkay isaga oo jooga Los Angeles sanadkii 2017 waxaana ay wararka meherkooda ku kicisay kaddib markii ay soo xidhatay fargal wakhti ay daawanaysay Pogba koobkii aduunka.

Labadan shaqsi ayaa markale yimid xafladii sanadka ee Man United ee dhacday toddobaadkii hore waxaana gacanta Pogba lagu arkay fargal si fiican u muuqday.

Dhawaan ayay ahayd markii Maria Zulay Salaues ay soo galisay baraheeda bulashada sawir ay kula jirto Pogba oo ay soo raacisay qoraalka ah “Ilaa dhammaadka”.

Pogba iyo Maria ayaa ilmahoodii ugu horreeyay u dhashay bishii January waxaana tan iyo wakhtigaas dhawr jeer lagu arkay Maria iyo cunuga oo Old Trafford ku sugan taageerayana Pogba.

 

Be the first to comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.