Miyuu Paul Pogba Ka Qoomameeya Inuu Kasoo Tagay Juventus Si Uu Ugu Biiro Man United Oo Uu Haatan Ku Dhiban Yahay? Xiddiga Qudhiisa Oo Ka Jawaabay?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United iyo xulka qaranka France ee Paul Pogba ayaa saxaafada soo hor fadhiistay kahor kulanka weyn ee ay caawa la yeelan doonaan kooxdii uu sida aadka ah iskugu muujiyay ee Juventus.

Pogba ayaa markii ugu horreysay ku laabanaya Juve tan iyo markii uu aduun dhan 89 Milyan ugu soo biiray United sanadkii 2016, Kulanka caawa ee Turin ayaana mid xusuuso wata u noqon doona Paul.

Pogba ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kusoo laabashada Manchester United oo uu akaademiyadeeda kasoo najaxay, Xiddigan ayaa sidoo kale xusay in go’aanka uu United ugu soo laabtay uu isagu lahaa sidoo kalena aysan kooxdu sanadihii ugu dambeeyay joogin heerkeedii balse uu u yimid inuu caawiyo.

25 jirkan ayaa yidhi “Miyaan u eekahay mid murugaysan? Maya, Haa waxaan ahay mid faraxsan, Waan ku faraxsanahay inaan xidho maaliyada dhab ahaantii waan ku faraxsanahay inaan kusoo laabto United, (Waan ku faraxsanahay) xidhashada maaliyadan, U Ciyaarista kooxdan, Kooxdan weyn”

“Waan ognahay in waxkasta dhici karaan laakiin markaan garoonka ku jiro anigu markasta waan faraxsanahay, Waan dhoolacadeeyaa aniga oo u dagaalamaya xiddigaha aan koox wadaaga nahay, Kooxda iyo jamaahiirta”

“Sidaasi waa sida aan sameeyo dhab ahaantiina waan ku faraxsanahay waxa aan sameeyo, Doorashada inaan kusoo laabto United waxay ahayd dookheyga, Juventus waxa ay ciyaaraysay Champions League Man United-na waxa ay ciyaaraysan Europe League”

“Waan ogahay in United aysan sanadihii ugu dambeeyay joogin halka ugu sarreysa, Laakiin waxaan kaliya u imid inaan kooxda caawiyo si ay ugu laabato halka ugu sarreysa, Waxaan leenahay ujeedooyin badan sidaa darteed anigu kama qoomameyo gabi ahaanba”