Miyuu Paul Pogba Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Muhiimka Ah Ee Liverpool? Xog Xasaasi Ah Oo La Siiyay Jamaahiirta Man United & Liverpool.

Labada jamaahiir ee kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa si isku mid ah uga war sugaya xaalada dhaawac ee Paul Pogba oo United ka tirsan iyo haddii uu taam buuxa u noqon doono kulanka dhex mari doona.

Jamaahiirta Man United ayaa ka warsugaya xaalada xiddiga ugu fiican kooxdooda halka sidoo kale ay dhigooda Liverpool ka warsugayaan xaalada xiddiga ay halista ugu badani kaga iman karto ee ay kooxda ay wajahayaan haysato.

Wargeyska ree France ee L’Equipe oo haatan xog kasoo saaray xaalada dhaawaca Pogba ayaa sheegay in 26 sano jirkan ay jaban tahay mid kamida faraha caguhu isla markaana uu dagaal ugu jiro sidii uu kulankaas diyaar ugu noqon lahaa.

Pogba ayaan la filayn inuu qaliin u baahan doono balse waxa ay isaga iyo madaxda kooxduba doonayaan inaysan wax deg deg ah samayn oo ay maraan wadada caadiga ah ee soo kabashada dhaawacyada.

Pogba ayaa lagu soo warramayaa inay jugtani ku gaadhay kulankii Carabao Cup ee ay kooxdiisu la yeelatay Carabao Cup oo ay xaaladiisu kasii xumaatay kulankii ay horyaalka bar-bardhaca la galeen dhigooda Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, Xaalada dhaawac kasoo kabasho ee Pogb ayaa la sheegayaa inay qaadan doonto laba ilaa saddex toddobaad taas oo shaki galinaysa taam ahaanshihiisa kulanka Liverpool ee 20-ka bishan.