Miyuu N’Golo Kante Taam U Noqon Doonaa Kulanka Manchester United Ee Furitaanka Xilli Ciyaareedka Premier League?

N’Golo Kante ayaa wajahaya suurtogalnimada uu ku seegayo bilowga xilli ciyaareedka ka dib markii uu dib u dhac ka soo gaaray ka soo kabsashadiisa dhaawaca jilibka.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku soo laabtay London isagoo ka soo tagay Japan oo ay Chelsea booqasho ku joogto si looga daweeyo dhaawaca jilibka islamarkaana uu sarre ugu qaado soo kabsashadiisa isagoo ku sugnaan doonaa xarunta tababarka kooxda Cobham.

Iyadoo in ka yar seddex isbuuc ay ka harsan tahay bilaabashada xilli ciyaareedka, waxa ay dhabajab xoogan ku tahay tababaraha cusub Frank Lampard.

Tababaraha Blues ayaa doonayay inuu Kante ciyaarsiiyo mid ka mid ah labada kulan saaxiibtinimo ee ay ku ciyaarayaan Japan, laakiin haatan ma heli doono fursad uu ku dheelo kulamada saaxiibtinimo.

SIDOO KALE AKHRISO:  Real Madrid Oo Qarka U Saaran Saxeexeedii LIXAAD Ee Xagaagani, Booska Uu Ka Xoojin Doono & Lacagta Uu Ugu Soo Wareegayo.

Ka hor kulankii ay guuldarada ka soo gaartay kooxda reer Japan ee Kawasaki Frontale Jimcihii, waxa uu jimicsi la sameeyay ciyaartoyda kooxda laakiin kama qeyb qaadanin tababarka buuxa.

28 jirkaan France la qaaday Koobka Adduunka ayaa markii ugu horeysay dhaawacaan uu soo gaaray dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore markaasoo uu Chelsea ka caawiyay hanashada Europa League.

Ka dib markii ay duuleen Aasiya, Lampard waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu Kante taam u noqonayo bilowga xilli ciyaareedka.

Laakiin waxa uu haatan ka walwalsan yahay in xiddigiisa muhimka ah inuu seegi doono kulanka furitaanka xilli ciyaareedka ee ay 11ka bisha Agoosto la ciyaarayaan Manchester United.