Miyuu Neymar JR Taam U Noqon Doonaa Kulanka Ay PSG Soo Booqanayso Real Madrid Dhawaan Ee Champions League? Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Dhaawaciisa.

Advertisements

Garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR ayaa lagu soo warramayaa inuu kusii dhawaanayo taam ahaanshaha buuxa kahor kulanka muhiimka ah ee UEFA Champions League ee ay kooxdiisu soo booqanayso Real Madrid.

Neymar ayaa ka maqnaa kooxdiisa tan iyo wareegii ugu dambeeyay ee kulamada caalamiga ah ee xulalka balse waxa uu haatan isha ku hayaa inuu garoomada kusoo laabto kulanka ka qabsoomaya Estadio Santiago Bernabeu 26-ka bishan November.

Advertisements

Paris ayaa ku rajo weyn inay aragto Neymar oo markale weerarka kula midoobaya Mbappe iyadoo aysan labada hoggaan ee weerarka kooxdaasi aysan garoon soo wada galin ilaa bishii March ee horraantii sanadkan.

Kulamada soo socda ee caalamiga ah ayaa Neymar uu haatan uun soo kabanaya u noqon kara meel uu sarre ugu qaado taam ahaanshihiisa buuxa isagoo intaas kaddib kalsooni kusoo booqan kara Bernabeu,.

Advertisements

Waxa xusid mudan in Neymar suuqii xagaaga mar lala xidhiidhinayay inuu u dhaqaaqi doono Real Madrid balse heshiiskaas ayaa ugu dambayn fashilmay kaddib markii Paris Saint-Germain ay ku adkaysay dhammaan kooxihii doonayay inay ka iibiso.

 

Advertisements