Miyuu Mesut Ozil Tababare Unai Emery Uga Caydhin Karaa Sidii Uu Neymar U Abaabulay In Laga Soo Caydhiyo PSG? Emery Oo Digniin Culus Loo Diray.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ray Parlour ayaa aaminsan in Mesut Ozil uu tababaraha kooxda ee Unai Emery bur-burin karo mustaqbalkiisa kooxda Arsenal sidii uu soo yeelay Neymar JR markii uu Emery ku sugnaa PSG.

Emery ayaa iskaga soo tagay kooxda caasimada France kaddib markii ay is fahmi waayeen Neymar  waxaana ay xaalad midaas lamid ahi kala haysataa Mesut Ozil oo kaliya kusoo bilawday 13 kulan oo horyaalka ah kaddib 26 kulan oo al ciyaaray waana sababta keentay in Parlour uu aamino in Ozil uu Emery ku sababi karo caydhin,

Ray Parlour oo midaynaya xaalada labada xiddig ayaa sheegay in Neymar uu ahaa midka soo riixayay xiddigaha kooxda ee ay qolka labiska wadaagayeen sidaas si lamid ahna uu ku kici karo Ozil.

Halyeey Ray ayaa yidhi “Waa mid wax yar lamid ah sidii PSG ee Neymar, Neymar ugu dambayn waxa uu caydhinta ku sababay Emery”

“Waxa uu lumiyay qolka labiska Neymar-na waxa uu ahaa mid riixaya arrimaha halkaas, Laga yaabaa inay si lamid ah ku noqoto Arsenal”

“Waxa ay u muuqataa in sidaasi ay dhici karto, Waxaan dib u eegay dookhyada adag ee ay Arsenal haysatay (Kahor heshiiskiisii cusbaaa), Isagu waxa uu qaataa £350,000 toddobaadkii, Yaa bixinaya lacagta noocaas ah?”

“Waxa jira wakhti kamid ah xirfadaada, Marka aad jirto in ka badan 30 sano waad ogtahay inaad joogto dalcad lagu siibanayo, Waa inaad la timaado go’aan”

Marka laga yimaado hadalada Parlour, Arsenal ayaa horeba iskugu day day inay Ozil ka fasaxdo kooxdeeda si ay lacago ugu hesho isla markaana uga baxsato mushaharkiisa sarreeya balse qorshayaashaas ayaan noqon kuwo hir galay.

Shalay ayaya ahayd markii wargeyska Calcio Mercato uu sheegay in Gunners ay saxeexa Ozil qiimo jaban ugu bandhigeen Juventus iyo Inter Milan balse ay kooxahaasi soo diideen.