Miyuu Lionel Messi Ka Noqday Fikradii Ahayd Inaysan Champions League Ku Guuleysan Karin Sanadkan? Akhriso Faah-Faahin Cusub Oo Uu Bixiyay

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay markale aragtidii uu mudo kahor dhiibtay ee ahayd inaysan kooxdiisu xilli ciyaareedkan Champions League ku guuleysan karin.

Maalmo kaddib markii la magacaabay tababare Quique Setien oo shaqada ka bedelay Ernesto Valverde ayuu Setien sheegay inuusan Messi ku raacsanayn fikrada ah inaysan Barcelona xilli ciyaareedkan hanan karin tartanka ugu xiisaha badan Yurub.

Leo oo haatan waraysi siiyay wargeyska Sport ayaa shaaca ka qaaday inuu Setien qalad fahmay hadalkiisii oo uusan isagu marnaba shaki galinin tayada xiddigaha kooxdiisa laakiin uu sheegay in qaabkii ay u ciyaarayeen uusan ahayn mid ay ku hanan karaan CL.

Messi ayaa u sheegay Sport “Anigu waligay kama shakinin safka ciyaartoyda ah ee aanu haysano wax shaki ahna kama qabo inaanu guuleysan karno dhammaan inta hadhay, laakiin kuma guuleysan karno anaga oo u ciyaarayna sidii aanu u ciyaaraynay”

“Haatan qofkasta waxa uu qabaa aragtidiisa waana kuwo dhammaantood aad loo ixtiraamayo, taydu waxa ay ku salaysan tahay xaqiiqada ah inaan nasiib ku lahaa inaan Champions League ka ciyaaro sanadkasta waanan ogahay inaysan suurogal ahayn in lagu guuleysto qaabkii aanu u ciyaaraynay, waxaan filayaa Setien wuu i qalad fahmay”

Messi oo dhinaca kale ka hadlaya xilli ciyaareedka dib u bilaabmaya ayaa yidhi “Wakhtigan la maqnaa waxa suurogal ah inuu ku dambeeyo inaanu anagu ku faa’idno, laakiin waxaanu eegaynay haddii ay iyagu bilaabi karaan tartamada halkaas ayaanaynu kaga tagi doonaa shakiyada”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook