Miyuu Karim Benzema Haddaba Macasalaameeyay Kooxdiisa Real Madrid? Fariin Uu Twitterka Ku Soo Qoray Oo Si Layaableh U Xaqiijinaysa In Uu Bernabeu Ka Baxayo.

Gool dhaliyaha ree France iyo kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa u muuqda in uu haddaba macasalaameeyay kooxdiisa kadib markii uu fariin layaableh ku soo qoray bartiisa twitterka. Saxaafada Spain ayaa maalmihii ugu danbeeyay qoraysay in macalinkii hore ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti uu caasimada Madrid ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay si uu Real Madrid ugu soo qanciyo in ay kooxdiisa cusub ee Napoli ka iibiyaan Karim Benzema iyo Achraf Hakimi.

Laakiin wararkii suuqa ee ay saxaafada Spain sida wayn u qortay waxaa dabka si xoogan ugu sii shiday isla markaana si cad ugu muuqda in uu xaqiijiyay Karim Benzema oo fariin macasalaamayn iyo mahad naq ah ku soo qoray bartiisa twitterka.

Karim Benzema oo 9 sano ku soo qaatay Santiago Bernabeu ayaa fariinta uu ku soo qoray bartiisa twitterka waxa uu soo raaciyay sawirkii ay Los Blancos saxaafada ugu soo bandhigtay markii uu kooxdeeda ku cusbaa wuxuuna u mahad celiyay madax waynaha, kooxda guud ahaan iyo waliba ciyaartoyda si la mid ah shaqalaahihii tababarka ee kala duwanaa ee uu la soo shaqeeyay.

Karim Benzema ayaa fariintiisa xaalada suuqa dabka wayn ku sii shiday ku yidhi: ” Sagaal sanadood ka hor waxaan markii ugu horaysay xidhay garanka Real Madrid, waxaa ku mahad san madax waynaha, dhamaan kooxda iyo ciyaartoyda, dhamaan tababarayaashii aan dariiqa kula soo kulmay. Waxaan u han waynaa in aan astaankta kooxda soo difaacay isla markaana si joogto ah ayaan ugu mahad celinayaa markasta.”.

Haddii dhinaca aan shakiga lahayn laga eego waxaa fariintan loo qaadan karaa mid uu Karim Benzema ku soo beegay sanad guurada sagaalaad ee ka soo wareegtay markii uu kooxda Real Madrid ku soo biiray laakiin warbaahinta Spain ayaa u aragta in ay fariintani tahay mid xaalad cusub ku sii abuuraysa wararkii bixitaankiisa ka hadlayay.

Xili ciyaareedyadii la soo dhaafay Karim Benzema ayaa eedayn iyo orin badan kala kulmayay jamaahiirta kooxdiisa Real Madrid taas oo sabab u noqonaysa in uu iskaga baxo Bernabeu inta aanu bilaamin xili ciyaareedka cusub ee 2018/19.

Wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee La Gazzetta dello Sport ayaa shaaciyay in kooxda Napoli ay 40 milyan euros ku doonayso saxiixa Karim Benzema taas oo sabab u noqon karta in xidiga ree France uu dib ula midoobo Carlo Ancelotti oo ay hore Bernabeu xidhiidh fiican ugu lahaayeen.