Miyuu Jose Mourinho Kooxdiisa Man United Dib Ugu Soo Dhawayn Karaa Cristiano Ronaldo? Miyay Madrid Iska Iibin Kartaa CR7? Mourinho Ayaa Ka Jawaabaya.

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa waqti dheer lala xidhiidhinayay in uu dib ugu laabanayo Old Trafford laakiin ilaa hadda ma jiro war xaqiijin kara in Ronaldo uu maalin uun dib ugu soo laaban doono Man United balse wali saxaafada ayaa marar badan qorta in Ronaldo uu doonayo in uu Red Devils markale u ciyaaro.

Waraysi uu bixiyay Jose Mourinho ayaa lagu waydiyay suurtogalnimada uu Cristiano Ronaldo dib ugu soo dhawayn karo Old Trafford laakiin macalinka ree Portugal ayaa isna su’aal galiyay haddiiba ay Real Madrid iska iibin doonto xidigan shanta Ballon d’Or ku soo guulaystay.

Wargayska Record oo ka soo baxa dalka Portugal ee ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Jose Mourinho iyo Cristiano Ronaldo ayaa waraysigan ka qaaday macalinka United ee Mourinho wuxuuna kaga hadlay mustaqbalka Ronaldo.

Jose Mourinho oo ka hadlaya mustaqbalka Ronaldo ayaa yidhi: “Anigu waxaan aaminsanahay in Real Madrid ayna isaga (Ronaldo) iska iibin doonin, waa la mamnuucay. Isaga waxaa waajib ku ah in uu joogo ilaa waqtiga ay maamulayaan in uu isagu tago oo uu hal sano ka ciyaaro Amercia ama meel kasta oo kale oo uu doonayo in uu ku raaxaysto”.

Mourinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Albaabka waa la soo xidhay, laakiin dadka oo dhami waxay ogyihiin taariikhdiisa Manchester United, samirkii ay isaga u laahaayeen iyo in ay jiraan ciyaartoy aduunka ah oo haddii ay kooxdu haysato suurtogalnimada ay kula soo wareegayso ayna maya odhan karin”.

Jose Mourinho ayaa si cad usheegay in albaabka Cristiano Ronaldo ee Real Madrid la soo xidhay isla markaana aanu ka bixi doonin ilaa inta ay maamulka Bernabeu go’aansanayaan in uu baxo markaas oo uu Mourinho ku qiysaay dhamaadka waayaha ciyaareed ee xidiga xulka qarankiisa Portugal.