Miyuu James Rodriguez Soo Laaban Doonaa Oo Uu Qayb Ka Noqon Doonaa Qorshaha Dib U Dhiska Real Madrid? Tababare Zinadine Zidane Oo Go’aan Gaadhay.

Tababaraha dhawaan kusoo noqday kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka gaadhay xiddiga amaahda kaga maqan kooxda ee James Rodriguez kaas oo ku jira xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ee heshiiska amaahda ah.

James ayaa kusoo laaban doonin Estadio Santiago Bernabeu sida uu go’aan ku qaatay Zidane waxaana ay midaasi soo af-jaraysaa rajo kasta oo uu xiddiga ree Colombia ka qabay inuu fursadii labaad ka helo Los Blancos.

Sababta uu marka horeba James uga cararay Real isla markaana uu heshiiska labada sano ee amaahda ah ugu wareegay Bayern Munich ayaa ahayd inuu ku fashilmay inuu boos ka helo Zidane oo keydka dhigay in mudo ah.

Intaa kaddib xaaladihii qasnaa ee ay Real gashay mudooyinkii tababarayaasha kala ah Julen Lopetegui iyo Santiago Solari ayuu Rodriguez filanayay inuu heli doono wado uu kusoo laabto balse midaas ayaa ah mid uu wali kasoo horjeedo macalinka ree France.

Zidane no cuenta con James Rodríguez

Bayern ayaa haysata fursada ay aduun lacageed oo dhan 42 Milyan ugula saxeexan karto James balse kaddib qaab ciyaareedkiisa mudooyinkii ugu dabeeyay ayaa qaboojiyay rabitaankii ahaa inay heshiis rasmi ah kula wareegaan.

Waxa arrin xiiso leh noqon doonta waxa ay kooxaha doonaya inay James ka furtaan dhibaatada Bernabeu ay samayn doonaan si ay ula saxeexdaan maadaama oo ay macquul tahay inaysan qiimo 42 Milyan ah haatan kuwada qaadan.

Si kastaba ha ahaatee, Qorshaha Zidane uu ugu soo laabtay Real Madrid ayaa ah mid balaadhan isaga oo sidii uu qudbadiisa ku sheegay isbedel ku samayn doona xiddigaha kooxda lacago weyna la geli doona suuqa kala iibsiga.