Miyuu Isco Alarcon Uu Kooxdiisa Real Madrid U Xidhan Doonaa Calaamada Kabtanimada Kulanka Caawa Ee Melilla, Wargeyska AS Oo Daaha Ka Qaaday Qorshaha Santiago Solari.

Wargeyska ree Spain ee AS ayaa ka faalooday qaar kamid ah go’aanada caawa uu qaadan doono tababaraha Real Madrid ee Santiago Solari kulanka ay kooxdiisu soo dhawayn doonto kooxda Melilla ciyaar ka tirsan tartanka Copa Del Rey wareegiisa 32-aad.

Tartanada aan horyaalka ahayn balse maxalig ah ayaa dhawaanahan laba faa’ido u yeesay guud ahaan tababarayasha kubadda cagta, Faa’idada koowaad ayaa ah inuu tababaruhu nasiyo xiddigaha muhiimka ah maadaama oo uu tartamo kale ciyaarayo.

Isco will captain Real against Melilla. AFP

Sidoo kale faa’idada kale ayaa ah in ay kulamadaas isku muujiyaan xiddigaha da’yarta ah iyo kuwa kursiga keydka lagu iloobay ee aan wax fursad ah helin.

Qoddobka labaad ayaa ah mid dhab ahaantii uu baahida weyn u qabo Isco, Xiddigan ayaa wakhtiyo aad u kooban kasoo muuqda kooxda tan iyo imaatinka Solari iyadoo kursiga keydka loo dhaadhiciyay halka kulamada qaar gabi ahaanba laga saaro safka kooxda.

Haddaba, Isbedelka weyn ee la filayo in caawa lagu arko Bernabeu kulanka Melilla ayaa ah in ugu horreynba kulanka lagu soo bilaabo Isco halka marka labaad gacanta loo gelin doono calaamada Kabtanimada ee kooxda.

Kulankan ayaa la filayaa inuu kalsooni weyn siin doono xiddigii hore ee Malaga isla markaana uu heli doono fursad uu tababaraha ree Argentina ugu muujiyo tayadiisa.

Si kastaba ha ahaatee, In Isco kulankan loo magacaabo kabtanka kooxda hoggaamin doona ayaa layaab noqon doonta maadaama oo ay dhawaan soo baxayeen warar sheegaya inay xurguf kala dhaxeyso tababare Santiago.