Miyuu Goolhaye Manuel Neuer Diyaar U Noqon Doonaa Kulanka Liverpool Ee Champpions League? Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dhaawacyada Bavaria.

Kooxda Bayern Munich ayaa heshay war aad u fiican kadib markii uu goolhayaha kooxdeeda ee Manuel Neuer uu si buuxda ugu soo laabtay tababarkii maanta isla markaana uu diyaar u noqon doono kulanka adag ee Liverpool ee tartanka UEFA Champions League.

Manuel Neuer ayaa shaki xoogan la galinayay in uu taam u noqon karo kulanka Liverpool ee Champions league kadib markii uu dhaawac ku soo gaadhay tababarka kooxdiisa isla markaana uu seegay saddex kulan, laakiin warbixin cusub oo ay Bayern Munich ka soo saartay xaaladiisa ayay ku shaaciyeen in uu xataa diyaar u yahay kulanka Liverpool ka horeeya ee Augsburg.

Bayern Munich ayaa jimcaha la ciyaari doonta kooxda Augsburg waana kulan uu goolhaye Manuel Neuer diyaar u yahay in uu ciyaaro ka hor kulanka talaadada ee ay Anfield ku booqan doonaan Liverpool laakiin Bayern Munich ayaa xaqiijisay in Arjen Robben iyo Corentin Tolisso ay wali ka maqan yihiin tababarka kooxdooda.

Qoraal la soo dhigay barta twitterka Bayern Munich ayaa lagu soo qaatay hadal uu sheegay macalinka Bavaria ee Kovac waxaana qoraalkan lagu cadeeyay in goolhaye Manuel Neuer uu si buuxda ugu soo laabtay tababarka balse ay wali maqan yihiin Arjen Robben iyo Corentin Tolisso.

Tababaraha Bayern Munich ee Kovac ayaa xaqiijiyay in Manauel Neuer aanu wax cabasho ah qabin ilsa markaana uu kooxdiisa doorasho u yahay kulanka Augsburg wuxuuna yidhi: “Manuel wax cabasho ah muu lahayn, sidaa daraadeed, markale ayuu kulanka jimcaha doorasho noqon doonaa”.

Warkan ayaa jamaahiirta kooxda Bayern Munich qalbiga u qaboojinaya waqti ay ka walwalsan yihiin dhibaatada Anfield ee kulanka lugta hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions league oo ay Liverpool la ciyaari doonaan.