Miyuu Frank Lampard La Wareegi Doonaa Xilka Tababarenimo Ee Kooxdiisii Hore Ee Chelsea Oo Lala Xidhiidhinayo? Lampard Oo Jawaab Siiyay Jamaahiirta Blues.

Tababaraha kooxda Derby County ahna halyeeyga kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa ka hadlay haddii uu qaban doono shaqada kooxdiisii hore ee Chelsea oo uu  haatan culays ba’ani ku saaran yahay tababare Maurizio Sarri.

Dhibaatooyinka tababare Sarri ayaaa halkii ugu sarreysay gaadhay maalinimadii Axada markaas oo ay Chelsea la kulantay guuldaradeedii ugu weyneyd ee mudo 28 sanadood ah isla markaana ay 6-0 kala timid Manchester City oo ay booqatay.

Fashilkaas ayaa keenay in shaki la galiyo mustaqbalka Sarri oo ku leeyahay Chelsea iyadoo booskiisa lala xidhiidhiyay Frank Lampard oo ah gool dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kooxda isla markaana 13 sano oo cajiib ah halkaas kusoo qaatay.

Haddaba, Lampard ayaa sheegay in shaqadiisu ay tahay kooxdiisa haatan ee Derby isla markana uu kaliya diirada saarayo kulamada kusoo socda balse uusan ka fikiray wax kale isaga oo dhinaca kale xusay inuu si weyn ula yaabay dhibaatada Blues heshay oo ah wax uusan wakhtigiisii soo arag.

Lampard ayaa yidhi “Shaqadaydu waa halkan, Waxaanu u shaqaynaynaa si aad u adag fikirkayguna waa kulanka Ipswich Town ee Arbacada iyo Brighton ee Sabtida”

“Aniga oo garanaya Chelsea, 13 sano ugu soo qaatay ka ciyaartoy ahaan, Waxaad u qabtaa dareen mana aha wax wanagsan, Maaha wax sahlan, Kuma dhacdo Chelsea inbadan sidaa darteed marka ay dhacdo waa fajac”

“Laakiin waxa ay kahor tageen koox cajiib ah waxaanan sidoo kale wakhti kusoo qaatay Manchester City, Dareemo ayaan u qabaa iyaga, Shaqada Pep Guardiola iyo safka cajiibka ahi ay qabteen  waa wax khaas ah”

Ugu dambayn, Wakhtigiisii ugu horreeya ee tababarenimo ee uu Frank ku qaadanayo kooxda Derby County ayaa ah mid aad loo amaanay waxaana ay ku dhaw yihiin inay kasoo dalacaan heerka labaad xilli ciyaareedkan.