Miyuu Da’yarka Mucjisada Ah Ee Erling Haaland Ka Fikirayaa Ku Biirista Real Madrid? Haaland Qudhiisa Oo Su’aashan Muhiimka Ah Ka Jawaabay

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa iyo haddii uu ka fikirayo kooxaha saxeexiisa lala xidhiidhinayo oo ay ugu horreyso kooxda caasimada Spain ee Real Madrid oo si xoogan u doonaysa.

Haaland ayaa noqday mid kamida ciyaaryahanada aadka loo doonayo ee qaarada Yurub kaddib wacdarro uu xilli ciyaareedkan kusoo dhigay kooxaha RB Salzburg iyo Borussia Dortmund oo uu suuqii January u wareegay.

Xiddigan heer caalami ee xulka qaranka Norway ayaa wacdarro kusoo dhigay Salzburg qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan kahor inta uusan 12 gool ugu soo dhalinin Dortmund 11 kulan oo uu u ciyaaray isagoo guud ahaan xilli ciyaareedka 40 gool soo diiwaan gashaday.

Haddaba, Erling Braut Haaland oo waraysi siiyay Sky Sports shalay oo Salaasa ahayd ayaa sheegay inuusan ka fikirayn wax koox ah balse uu kaliya diirada saarayo shaqadiisa.

Haaland ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan diirada saarayaa midan, diirada ma saarayo dareenka aniga igu wajahan”

“Waxaan ka fikiraa qabashada shaqadayda, taas oo ah waxa aan ugu jecelahay, diiradaydu waxa ay saaran tahay midan”

Dhawaan ayay ahayd markii tababare caawiyaha kooxda Real Madrid ee Jose Morais uu dabka kusii shiday wararka kooxdiisa la xidhiidhinaya Haaland isaga oo sheegay inuu 19 sano jirkani noqon karo bedelka ugu haboon ee Karim Benzema oo sanadaha dambe ee waayihiisa ciyaareed galay.

War wanaagsan oo guud ahaan ay ku qanci karaan taageerayaasha kubadda cagtu ayaa ah in horyaalka Bundesliga uu bilaabmayo Sabtidan iyadoo Dortmund ay kulan Derby ah wajahayso kooxda Schalke 04.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook