Miyuu Cristiano Ronaldo Diyaar U Yahay Inuu Qeyb Ka Noqdo Kulanka Villarreal Ee Horyaalka La Liga, Kahor Finalka Ee Champions League?.

Wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain ayaa waxay ka warbixiyeen go’aanka xidiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo kaga aadan inuu kooxdiisa Los Blancos kala qeyb gali doono kulanka La Liga-ha ee Villarreal, ee Sabtida lagu soo xiri doono kulamada horyaalka dalka Spain ee xili ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay El Chiringuito TV macalinka kooxda Real Madrid Zinedine Zidanen ayaa kala hadlay xidiga kooxdiisa ugu muhiimsan ee Cristiano Ronaldo inuu qeyb kasoo noqdo kulankan Villarreal ee Sabtida daqiiqada 60-aad ee qeybta labaad ciyaarta si uu ugu diyaargaroobo finalkii Champions League ay xili ciyaareedkan kula ciyaari doonaan Liverpool.

Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu dhawaan dib ugu soo laabtay tababarka kooxda Real Madrid, tan iyo dhaawacii dhanka canqowga ahaa ee soo gaaray kulankii El Clásico ay kooxda Barcelona kula ciyaareen horyaalka La Liga 6-dii bishan May.

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uu doorbidayo xilli ciyaareedkan, maqnaanshaha kulamada horyaalka, si uu diirada u saaro kulamada muhiimka ah ee Champions League, sida waafaqsan qorshaha Zidane.