Miyuu Cristiano Ronaldo Ciyaari Doonaa Kulanka ICC Cupka Ee Real Madrid Vs Juventus- Xogta Jadwalka Uu Tababarka Ugu Soo Laabanayo Iyo Haddii Uu Kulankan Ciyaari Doono.

Kadib markii ay kooxda Juventus dhamaystirtay heshiiska Cristiano Ronaldo waxaa xiiso gaar ah sii yeeshay kulanka koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cupka ee ay kooxaha Real Madrid iyo Juventus hore ugu balansanaayeen waxaana layswaydiinayaa haddii xidiga ree Portugal uu kulankiisa ugu horeeya ee Juventus uu kaga hor iman doono kooxda uu halyayga ku soo noqday ee Los Blancos.

Koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cupka oo sanad kasta waqtigan oo kala la ciyaaro waxaa ka soo qayb gala kooxaha aduunka ugu waa wayn iyada oo waliba jamaahiirta kubbada cagta fursad loo siiyo in ay helaan kulamo ay kooxo waa wayni isku wajahayaan inta aanu xili ciyaareedku bilaamin.

ICC Cupka ayaa dhawr qaybood laga dhigaa waxaana ugu xiiso badan qaybta USA lagu qabto iyada oo August 1 ay kooxaha Barcelona iyo AS Roma wada ciyaari doonaan laakiin isla maalinta waxaa sidoo kale wada ciyaari doona kooxaha Real Madrid iyo Manchester United balse waxaa ka xiiso badan oo la sugayaa kulanka Madrid iyo Juventus.

Real Madrid iyo Juventus oo xili ciyaareedkii dhamaaday koobka UEFA Champions League iskaga horyimid isla markaana xili ciyaareedkii ka sii horeeyay finalka UEFA Champions League isku haleelay ayaa kulanka ICC Cupka wada ciyaari doona August 5.

Laakiin haddii ayna wax iska badalin jadwalka Cristiano Ronaldo uu kaga soo laabanayo fasaxa xagaaga waxaa la filayaa in aanu ciyaari doonin kulanka ay wada ciyaarayaan kooxdiisii hore ee Madrid iyo kooxdiisa cusub ee Juventus.

Cristiano Ronaldo ayaa koobka aduunka ka baxay June 29 wuxuuna tan iyo markaas fasax ugu maqnaa dalka Giriiga oo uu qoyskiisa waqti la qaadanayay laakiin isniinta waxa uu ka soo muuqan doonaa Turin halkaas oo saxaafada loogu soo bandhigi doono.

Balse wararka ayaa sheegaya in Cristiano Ronaldo uu tababarka kooxdiisa Juventus ku soo laaban doono July 30 waana waqti shan maalmood oo kaliya ka horaysa maalinta ay Juventus iyo Real Madrid wada ciyaari doonaan taas oo sabab u noqonaysa in aanu ciyaarin.

Juventus ayaa July 26 la ciyaari doonta kooxda Bayern Munich halka July 28 ay la ciyaari doonto kooxda BEnfica ee ree Portugal halka August 2 ay wajihi doonto kooxda MLS laga soo uririyo laakiin kulanka sida wayn loo sugayo ayaa ah kulanka August 5 ee ay Juve la ciyaari doonto Madrid iyada oo haddii Ronaldo uu hore ugu soo laabto tababarka uu kulankan ciyaari karo.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka kooxda Juventus iyo Cristiano Ronaldo qaadan doonaan ee ah waqtiga uu tababarka ku soo laaban doono ayaa saamayn xoogan ku yeelan doona haddii uu sagaal sano kadib kooxdiisii hore ee Madrid uu ka hor iman doono isaga oo ciyaartoy Juventus ah.