Miyay Tani Caddayn Buuxda U Tahay In Paul Pogba Uu Kusii Jeedo Real Madrid? Talaabo Ay Manchester United Qaaday Oo Pogba Ku Dhawaynaysa Bernabeu.

Kooxda Manchester United ayaa qaaday talaabo kale oo ay kusii hurisay wararka xiddigeeda Paul Pogba la xidhiidhinaya kooxda Real Madrid xilli ay shaacinaysay kulamada saaxiibtinimo ee ay kusoo ciyaarayso dalka Norway.

Labada kooxood ee raga iyo dumarka ee Man United ayaa labaduba kooxo ree Norway ah lasoo ciyaari doona kahor inta uusan sida rasmiga ah u furmin xilli ciyaareedka cusubi.

Dhinaca kale tababaraha kooxda ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku laaban doona dalkiisa iyaga oo la ciyaari doona ugu horreynba kooxda Kristiansund 30-ka July.

Arrinta muranka badan dhalisay ee sida dadban u tilmaamaysa in Pogba uu kusii jeedo dhinaca Real Madrid ayaa ah in laga waayay sawirada shaqsiyaadka lagu xayaysiinayo kulamadaas.

Shaki la’aan Pogba ayaa kamid ah dadka kubadda cagta ku dhex jira kuwooda ugu suuqa badan ee xayaysiisyada iyo suuq geynta ugu haysta dunida kubadda cagta gaar ahaan dabaaldegyada khaaska ah ee uu sameeyo.

Kaliya ma aha in Paul uu yahay ciyaartoy suuq geyn balaadhan u sameeya Man United balse sidoo kale waxa uu haystaa darajada ah inuu yahay saxeexa ugu qaalisan ee taariikhda kooxda.

Waxa wax lama filaan ah noqonaysa in qabta is gaadhsiinta ee Man United aysan sawirka Pogba u adeegsan kulamadaas waana sabab kale oo farxad gelinaysa jamaahiirta Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaa la sheegayaa inay 140 Milyan ku qiimaysay Pogba kana dhigtay lacagtaas mida ay kaga samri karto haddiiba uu bixitaan go’aansado.