Miyay Real Madrid Ololaha Heshiis Kordhinta Ciyaartoyda Kooxdeeda Kaga Hor Tagaysaa Paris Saint-Germain? Qiimaha Lacagaha Heshiisyada Cusub Lagu Burburin Karo Oo Si Wayn Sare Loogu Qaaday.

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa bishan soo waday olole wayn oo uu heshiisyo cusub kaga saxiixanayay ciyaartoyda kooxdiisa kowaad, laakiin waxaa laga fahmay in maamulka Real Madrid aanu doonayn xidigo muhiim ka ah kooxdoodu ay Bernabeu uga baxaan qaabkii muranka badani ku jiray ee ay Paris Saint-Germain ula wareegtay Neymar Jr, waxayna taasi keentay in Madrid ay si wayn sarre ugu qaaday qiimaha lacagaha lagu burburin karo heshiisyadan cusub.

Intii bishan September lagu jiray waxay Real Madrid heshiisyo cusub ka saxiixatay todoba ciyaartoy oo kooxdeeda kowaad ka mid ah kuwaas oo ay dhamaan heshiisyadooda cusub saxaafada u soo bandhigtay waxayna kala yihiin   Isco, Marcelo, Dani Carvajal, Karim Benzema, Marcos Llorente, Raphael Varane iyo Marco Asensio oo shalay saxaafada Bernabeu kula hadlay markii heshiiskiisa la soo bandhigayay.

Ugu horayn heshiiska Karim Benzema ayaa lagu burburin karaa hal bilyan oo euros, waana lacag ayna jirin koox isku dayi karta in ay burburin karo ilaa Real Madrid ay wada xaajood ku ogaalnayso in ay hoos u dhigto haddiiba ay rabto in xidiga ree France ay iibiso ka hor inta aanu heshiiskiisa dhamaysan.

Heshiisyada cusub ee Marco Asensio iyo Isco ayaa lagu burburin karaa 700 milyan oo euros, sidoo kale waa lacag ay adag tahay in ay jiri karto koox bixin kartaa laakiin sidoo kale heshiiska cusub ee Dani Carvajal ayaa lagu burburin karaa €350 milyan euros halka heshiisyada cusub ee  Raphael Varane, Marcelo iyo Llorente lagu burburin karo min €200 milyan euros.

Waxaa jiray heshiisyo cusub oo hore looga saxiixay Toni Kroos, Luka Modric iyo waliba xidiga xagaagii dhawaa Real Madrid ku soo biiray ee Dani Ceballos oo kuwaas oo lacagaha heshiiskooda lagu burburin karaa ay yihiin kuwo sare si la mid ah Gareth Bale oo Ronaldo iyo Bale kala mid ah min 1 bilyan oo euros oo heshiiskooda lagu burburin karo.

Real Madrid ayaa hadda heshiisyo waqti dheer ah ka saxiixatay ugu dhawaan ciyaartoydeeda muhiimka ah waxaana sidoo kale la sugayaa waqtiga ay Real Madrid si rasmi ah u shaacin doonto heshiiska cusub ee uu macalin Zinedine Zidane ogolaaday in uu Bernabeu ku sii joogi doono.

Haddaba Halkan Kaga Bogo Lacagaha Heshiisyada Ciyaartoyda Real Madrid lagu burburin karo:

Keylor Navas = 200 miyan euros

Dani Carvajal =350 miyan euros

Vallejo =100 miyan euros

Sergio Ramos= 150 miyan euros

Raphael Varane= 200 miyan euros

Nacho =200 miyan euros

Cristiano Ronaldo= 1.000  Bilyan euros

Toni Kroos= 500 miyan euros

Karim Benzema =1.000  Bilyan euros

Luka Modric= 500 miyan euros

Gareth Bale =1.000 Bilyan euros

Marcelo =200 miyan euros

Kiko Casilla =50 miyan euros

Casemiro =200 miyan euros

Theo Hernández= 250 miyan euros

Lucas Vázquqez= 150 miyan euros

M. Llorente= 200 miyan euros

Marco Asensio= 700 miyan euros

Borja Mayoral =50 miyan euros

Isco Alarcón =700 miyan euros

Mateo Kovacic= 50 miyan euros

Dani Ceballos =500 miyan euros