Miyay Real Madrid Gabi Ahaanba Ka Hadhay Rabitaanka Neymar JR Oo Ay Xooga Saari Doontaa Kylian Mbappe? Barnaamij Ciyaareedka Ree Spain Ee Jogones Oo Sharaxaad Lagu Bixiyay.

Barnaamijka lagaga faaloodo kubadda cagta ee ka baxa Jugones loona yaqaano “Jugones Programme” ayaa daaha ka qaaday qorshaha kooxda Real Madrid uga yaala saxeexa xiddiga Paris Saint-Germain ee Neymar JR.

Wararka Neymar la xidhiidhinayay kooxda ree Spain ayaa dhawaanahan noqday kuwo yaraaday iyadoo taa bedelkeeda si aad ah loo hadal hayo inay Real doonaysa Kylian Mbappe oo koox la wadaaga Neymar.

Shaqsiga warkan bixinayay oo ahaa wariye Josep Pedrerol ayaa sheegay in kooxdu ay aaminsan tahay inay adkaan doonto suurogalnimada 26 jirkan lagaga soo kaxeeyo Paris oo uu markii horeba si adag ku galay balse ay waxkasta dhici karaan kahor inta uusan xidhmin suuqa xagaagu 31 August.

Dhawaan ayay ahayd markii aabaha dhalay xiddigani uu sameeyay siyaasada uu ku qaboojinayo wararka wiilkiisa la xidhiidhinaya Los Blancos isaga oo sheegay inay wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiraan PSG.

Neymar ayaa wali wada kazoo kabashada dhibaatada dhaawac ee gaadhay horraantii sanadkan isaga oo seegay inta ugu badan ciyaarihii kooxdiisa ee qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Dad badan ayaa qaba in Neymar uu mar uun kazoo degi doono Esatdio Santiago Bernabeu sababta uu horyaalka France u tagayna ay ahayd inuu samaysto wadadii uu soo mari lahaa maadaama oo uusan Barcelona toos uga iman Karin.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar ayaa mudo dheer lala soo xidhiidhinayay Real Madrid balse xiddigan Ayaan wali qaadin wax talaabo rasmiya oo uu ku samaynayo rabitaan uu kooxda kaga baxayo.