Miyay Philippe Coutinho, Ousmane Dembele & Ter Stegen Seegi Doonaan Final-ka Copa Del Rey Ee Toddobaadka Dambe? Tababare Valverde Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka hadlay wax ku saabsan dhibaatooyinka dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa kahor kulanka adag ee ay Final-ka tartanka Copa Del Rey toddobaadka dambe kula yeelan doonaan kooxda Valencia.

Tababare Valverde ayaa ugu horreyn sheegay in goolhayaha kooxdiisa ee Andre Ter Stegen oo seegay kulankii shalay ee Eibar uu ciyaari doono kulankaas balse waxa uu dhinaca kale shaki galiyay fursadaha Ousmane Dembele, Philippe Coutinho iyo Arthur Melo.

Valverde ayaa yidhi “Waxaa naga haysta dhawr arrimood boosas kooban waxaananu eegi doonaa haddii aanu dhawr ciyaartoy dib u heli karno”

“Ter Stegen hubaashii waxa uu noqon doonaa mid la heli karo, Coutinho ma garanayo Dembele-na waxa uu u muuqdaa mid aan ciyaari karin”

“Aynu eegno Arthur waxa uu qabay dhibaato laba ilaa saddex bilood wuxuuna u baahday fasax, Waxa ay dhici karaysay bil ama bil kahor ma garanayo haddii uu noqon doono mid la heli karo”

Dhinaca kale tababare Valverde oo wax laga weydiiyay hadii uu Final-ka Copa ku ciyaari doono isla shaxdii uu shalay ku wajahay Eibar ayaa sheegay inay dhici karto oo uu ku ciyaari karo sidoo kalena uu wax ka bedeli karo.

“Dhibaatooyin ayaanu ka qabnaa meelo go’an oo garoonka ah gaar ahaan weerarka waxaanan u baahanahay inaan hubiyo waxa ay noqon kartaa mid lamid ah ama wax ka duwan”

Ugu dambayn, Tababarihii hore ee Athletic Bilbao ayaa ka hadlay dhaawacii Nelson Semedo oo bedel lagu sameeyay kulankii shalay sabab dhaawac darteed waxaana uu niyad samaan ka muujiyay inuu si deg deg ah usoo laaban karo.

“Anigu wax war ah kama hayo Nelson, Waxaan rajaynayaa in (Bedelku) uu kaliya ahaa taxadar jugta gaadhay ah oo uu nagu soo laaban karo maanta (Shalay)”