Miyay Paris Saint-Germain Awoodaa Inay Final-ka Champions League Gaadho La’aanta Neymar JR? Halyeeyga Brazil Ee Cafu Oo Fikradiisa Dhiibtay.

Halyeeyga xulka qaranka Brazil ahna xiddigii hore ee kooxda AC Milan ee Cafu ayaa aragtidiisa ka dhiibtay haddii kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ay awoodo inay Final-ka Champions League gaadho la’aanta Neymar JR.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Ligue 1 ayaa qaab cajiib ah usoo dhalaashay kulankii ugu horreeyay ee wareega 16-ka tartankaas kaddib guul 0-2 ah oo ay kasoo gaadheen Manchester United oo ay marti u ahaayeen.

Cafu oo koobka ugu qiimaha badan Qaarada Yurub lasoo qaaday Milan xilli ciyaareedkii 2006-07 ayaa aaminsan in PSG ay qaan-gaadhinimo muujisay la’aanta Neymar isla markaana ay awoodaan inay Final-ka tartankan gaadhaan.

Cafu ayaa yidhi “Dhammaan kooxaha ku tartamaya wareega 16-ka ee Champions League ayaa awood buuxda u leh inay guuleystaan, Iyadoon loo eegayn haddii aad lumiso ciyaartoygaaga ugu fiican iyo haddii kale”

“Dabcan, Paris Saint-Germain way u xiisi doontaa Neymar, Isagu waa tixraac laakiin haddii aad aragtid kulankii ugu horreeyay ee Paris Saint-Germain ay ka maqan tahay garoonkeeda, Guusha ay sameeyeen waxaad arkaysaa in PSG ay fursad u haysato inay gaadhaan Final-ka”

“Laakiin, Dabcan marka uu joogo Neymar waxa jirta rajo dheeraad ah oo guusha iyo qabsashada garoonka ah”

Paris ayaa haatanba u muuqata mid gacanta ku dhigtay horyaalkeeda Ligue 1 oo ay 12 dhibcood oo saafi ah ka sarreeyaan kooxda kaalinta labaad.

Muhiimada ugu weyn ee ay haatan diirada saari doonaan ayaa ah inay meel fog ka gaadhaan Champions League oo ah hammigooda ugu weyn kaddib tacab iyo kharash waali ah oo lasoo galinayay.