Miyay Manchester United Jeclaan Lahayd In Kulanka Ay PSG Soo Dhawayn Doonaan Uu Ciyaaro Neymar JR? Tababare Ole Solskjaer Oo Jawaab Ka Bixiyay.

Tababaraha sida KMG ah u haya xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka warramay haddiiba kooxdiisu ay jeclaan lahayd in xiddiga PSG ee Neymar oo haatan dhaawac qaba ay ku wajahaan Champions League toddobaadkan.

Paris Saint-Germain oo uu ka maqan yahay xiddiga ugu muhiimsan kooxdeedu ayaa Salaasada soo booqan doonta Manchester si ay u dheelaan lugta hore ee wareega 16-ka kooxood ee Champions League.

Shaqsiyaad badan ayaa qaba in maqnaanshaha Neymar uu faa’ido weyn u yahay Solskjaer iyo kooxdiisa balse tababaraha ree Norway ayaa aragti midaas ka duwan qaba isaga oo sheegay in ciyaartoydiisu ay jeclaan lahaayeen inay isaga kahor tagaan.

Ole ayaa tusaale usoo qaatay in isaga shaqsiyan waxa uu inta ugu badan xasuustaa ay tahay inuu ciyaartoydii ugu fiicnaa wakhtigiisii lasoo ciyaaray.

Solskjaer oo arrimahaas ka faaloonaya ayaa yidhi “Mid kamid ah waxyaabaha aan inta ugu badan xasuusto ayaa ah la ciyaarista kuwa ugu fiican – Zidane, Ronaldo, Figo, Maldini – waxaad rajaynaysaa inaad naftaada ku qiimayso kuwa ugu fiican”

“Sidaasi waa sida aanu ahayn waxaanan hubaa in wiilashani ay jeclaan lahaayeen inay isaga wajahaan, Laakiin waxaan la ciyaaraynaa koox wali haysata ciyaartoy tayo sarre leh waxaanan u baahan doonaa inaan soo bandhigno waxayaga ugu wanaagsan”