Miyay Manchester City Saxeexyo Dheeraad Ah Kusoo Xoojin Doontaa Safkeeda Suuqa January? Tababare Pep Guardiola Oo Su’aashan La Hordhigay

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa la hordhigay su’aal ku saabsan suuqa kala iibsiga gaar ahaan haddii kooxdiisu ay xoojin dheeraad ah safkeeda ku samayn doonto suuqa dhaw ee bisha January.

Manchester City ayaan suuqii xagaaga waxbadan kasoo adeegan waxaana ay kaliya lasoo saxeexdeen Riyad Mahrez halka ay ku fashilmeen bar-tilmaameedkoodii labaad oo ahaa xiddigii Napoli ee Jorginho oo doortay inuu u wareego dhinaca kooxda Chelsea.

Guardiola will resist the temptation to dip into the transfer market in January. AFP

City ayaa la filayay inay suuqa January ugu horreynba u geli doonto xiddig khad dhexe ah oo tartan la gala isla markaana kulamada qaar nasiya khadka dhexe ee Fernandinho iyadoo la saadaalinayay inay kooxdu da’yarka Ajax ee Frankie De Jong dalban doonto.

Saadaasha suuqa January ee Sky Blues ayaa markale kor u kacday kaddib dhaawac 12 toddobaad ah oo soo gaadhay daafaca bidix ee kooxda ee Benjamin Mendy.

Haddaba, Tababare Guardiola ayaa gabi ahaanba diiday wararka sheegaya inay suuqa geli doonaan. Waxaana uu sheegay inay bilawgii xilli ciyaareedka isku ogaayeen inaysan gelin suuqa January.

Pep ayaa yidhi “Bisha January, Ma jiro wax suuq ahi, Maya, Maya, Ma kharash garayn doono wax lacag ah, Aad ayaan ugu faraxsanahay safka aan haysto iyo kuwa soo laabanaya, Maya”

“Markii aan samaynay safkan bilawgii xilli ciyaareedka, Waxay ahayd inaynaan tegayn January marka laga reebo haddii aan wax dhibaato ah qabno, Laakiin in igu filan ayaan ku haystaa safka, Waan aaminsanahay dhammaantood, Ma tegi doono suuqa January, Waa wax aan dhici karin”