Miyay Manchester City Ku Filnaan Doontaa Hanashada Premier League Xilli Ciyaareedkan Mise Champions League Ayay U Baahan Yihiin Pep Guardiola Oo Ka Hadlay.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola oo saxaafada soo hor fadhiistay kahor kulanka Champions League ee ay booqan doonaan Lyon ayaa ka hadlay tartanka xilli ciyaareedkan guuleystayaal amaba guuldaraystayal ka dhigi doona Premier League iyo Champions League.

Citzens ayaa booqan doona Lyon halkaas oo guul ay gaadhaan ay u sahli doonto inay iska xaadiriyaan wareega 16-ka kooxood, Wiilasha Guardiola ayaa ugu yaraan maanka ku haya aar gudasho kaddib dhibaatadii ay Lyon kusoo marisay Etihad oo ay saddexda dhibcood kaga soo qaadatay.

Man City ayaa xilli ciyaareedkii hore awood cadaan ah ku qabsatay tartanka Premier League oo ay dhibco rekoodh ah ku qaadeen balse waxa ay si foolxumo ah uga hadheen UCL markaas oo Liverpoo ay goolal cel celis ahaaneed oo dhan 5-1 kaga adkaatay.

Guardiola oo ka hadlayay hammiga kooxda ayaa sheegay in shaqsiyaadka neceb kooxdiisa isla markaana ku dooda in Sky Blues aysan ahayn koox balse ay tahay lacag ay iyaga ku calaamadin doonaan darajada guuldaro haddii ay ku guuleysan waayaan Champions League.

Tababaraha ree Spain ayaa yidhi “Dadka aan anaga aadka noo jeclayn, Kuwaas oo lacagta u isticmaala dood ahaan kaddib waynu guuldareysan doonaa haddii aanu ku guuleysan wayno Champions League”

“Dadka kale, Gaar ahaan jamaahiirtayada, Dadka yidhaahda ‘Hagaag, Waanu ku raaxaysanaa daawashada kulamadayada, Waanu ku faraxsanahay waxa ay wiilashani samaynayaan’ Waan hubaa inaysan wax qoomamo ah ka qabin waxa ay wiilashani qabanayeen saddex maalmood oo kasta oo kamid ah 12, 14, 15 bilood ee ugu dambeeyay”