Miyay Manchester City Heshiiskii Ay Da’yarka Mucjisada Ah Ee Jadon Sancho Kaga Iibisay Dortmund Ku Dartay Qoddob U Ogolaanaya Inay Dib Ula Soo Saxeexato?

Da’yarka kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa si weyn ugu raaxaysanay kooxdiisa tan iyo markii uu ku biiray sanadkii 2017 iyadoo bandhigyadiisa xilli ciyaareedkani ay sabab u noqdeen in boos laga siiyo xulka qaranka England.

Man City oo hore u ahayd kooxda da’yarkan ayaa ku fashilantay inay heshiis cusub ka saxeexato waxaana uu ugu dambayn aduun dhan 8 Milyan ugu wareegay dhinaca kooxda ree Germany halkaas oo uu xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay saftay 12 kulan oo horyaalka ah.

Zorc dismissed claims Manchester City have a buy-back option on Sancho. GOAL

Kaddib wacdaraha uu dhigay da’yarkani waxa soo baxay warar sheegaya in Sky Blues ay heshiiskiisa ku dareen qoddob ah inay dib ula saxeexan karaan balse waxa warkaas gabi ahaanba beeniyay agaasimaha ciyaaraha Borissia ee Michael Zorc.

Zorc ayaa yidhi “Sharci ahaan, Kama dhigno xogta qandaraaska mid cidkasta u furan, Laakiin waxa aad halka ku haysaan maaha wax dhab ahaantii xaqiiqda la xidhiidha”

“Taasi maaha mid dhab ahaantii faa’ido noo leh anaga gabi ahaanba, Marka laga yimaado inaan la xaajoono City haddii uu wax dalab ahi ka yimaado, Laakiin warkaasi waa mid aragti ah”

Sancho ayaa xilli ciyaareedkan hub weyn u ah Dortmund isaga oo dhaliyay afar gool halka uu sidoo kale caawiyay lix kale kulamada horyaalka Bundesliga.

Sidoo kale waxa xusid mudan in da’yarkan ree England oo bishii October kasbaday hanashada abaalmarinta xiddiga bishaas ugu fiicnaa guud ahaan horyaalka Germany.