Miyay Liverpool Soo Gabagabaysay Xiisihii Ay U Qabtay Nabil Fekir? Reds Oo Ku Dhaqaaqday Talaabo Cadayn U Ah Inay Isaga Hadhay Tartankii Xiddiga Ree France.

Kooxda Liverpool ayaa u muuqata mid soo af jartay xiisihii ay u qabtay kabtanka kooxda Lyon ee Nabil Fekir iyadoo kooxdu ay dhawaan qaaday talaabo cadayn u ah inay isaga hadhay xiisihii ay u qabtay xiddiga ree France oo ay mudo dheer raadinaysay.

Arrinta cadaynta u noqotay ayaa ah in Reds ay bixisay Lambarkii uu Nabil codsaday intii ay socdeen wada xaajoodyada labada kooxood, Liverpool ayaa isbadalo dhawr ah ku samaysay lambarada xiddigaha kooxdeeda iyadoo xiddiga ree Senegal ee Sadio Mane uu qaatay maaliyada NO.10.

Reds ayaa shalay soo saartay qoraal ay ku shaacinayso in Sadio uu yahay lambarka 10-aad ee kooxda ee xilli ciyaareedka soo socda isagoo kasoo guuray lambarkiisii hore ee 19 ee uu xidhnaa tan iyo imaatinkiisii kooxda ee laba sano kahor.

Warbixinta ay kooxdu ku shaacisay in Mane yahay lambarka 10-aad ee kooxda ayaa u taalay sida tan “Xiddiga ree Senegal waxa uu kasoo badashay lambarkiisii hore ee 19-aad kaas oo uu xidhnaa tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Southampton ee 2016”

“Mane imika waxa uu qaatay NO.10 kii uu baneeyay Philppe Coutinho kaddib markii uu u dhaqaaqay Barcelona bishii January, Maliyadan ayay sidoo kale soo xidheen John Barnes, Joe Cole, Luis Garcia, Michael Owen iyo Andriy Voronin wakhtiga Premier League uu jiray”