Miyay Liverpool Awood Buuxda U Leedahay Inay Guuldarro La’aan Ku Qaado Horyaalka? Halyeeyga Reds Ee John Barnes Ayaa Jawaab Daacadnimo Leh Bixiyay.

Advertisements

Halyeeyga kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa ka hadlay suurogalnimada ay kooxdiisii hore ku jabin karto rekoodhkii guuldarro la’aanta ee Arsenal isla markaana ay xilli ciyaareedkan iyagoon dhinacooda dhulka la dhigin horyaalka hanan karaan.

Advertisements

Kaddib 25 kulan oo ay xilli ciyaareedkan soo ciyaareen, Liverpool ayaan wali wax guuldarro ah lasoo kulmin waxaana ay isha ku hayaan gaadhista xogtii Arsenal ee 2003/04.

Si kastaba, Barnes oo Reds usoo ciyaaray intii u dhaxaysay 1987 ilaa 1997 ayaa aaminsan in ay xiddigaha Jurgen Klopp horyaalka qaab raaxo leh ku qaadi doonaan laakiin ay guuldarro gaadhi doonto 13-ka kulan ee u hadhay.

Barnes ayaa Bonus Code Bets u sheegay “Waxaan ku fikirayaa inay xilli ciyaareedka oo dhan guuldarro la’aan ku dhammaysan karaan, Laakiin uma malaynayo inay samayn doonaan, Waxaan xisaabinayaa inay hal kulan guuldaraysan doonaan laakiin ugu dambayn wali waxay horyaalka ugu guuleysan doonaan si raaxo leh”.

“Ugu dambaynta Liverpool muhiim uma aha inay guuldarro la’aan ku baxaan, Waa muhiim in horyaalka lagu guuleystaa, Ma arkayo iyaga oo wax guuldarro ah kala kulmaya Norwich usbuuc dhammaadkan, Laakiin waa la garaaci doonaa kahor dhammaadka xilli ciyaareedka taasina waa caadi”.

“Muhiim maaha (Shaqo) inee in le’eg fiican ayay kooxdaadu samaynaysaa, Waa nooca horyaal ee ay waxkasta ka dhici karaan (Premier League) natiijo layaab lehina waxay kaaga iman kartaa cidkasta”.

Liverpool ayaa kulamada u hadhay ay ku jiraan kulamo muhiim ah oo ay si gaar ah isha ugu hayn doonto inay rekoodhka guuldarro la’aanta ku ilaashato waxaana kamid ah kulamada ay booqanayso Man City, Everton iyo Arsenal.

Advertisements