Miyay Kylian Mbappe Iyo Neymar JR Awood U Leeyihiin Inay Saftaan Kulanka Liverpool? Tababare Thomas Tuchel Oo Sheegay War Ay Sugayeen Jamaahiirta Kubadda Cagtu.

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa noqday shaqsigii ugu dambeeyay ee ka hadlay xaalada dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa iyo heerka ay gaadhsiisan tahay fursada ay u haystaan inay kasoo muuqdaan kulanka Champions League ee Liverpool.

Kabtanka Brazil ayuu dhaawac kasoo gaadhay gumaarka midig kulankii ay guusha kasoo hooyeen xulka Cameroon halka 19 jirkii hore ee Monaco uu ku dhibtooday dhaawac garabka ah kulankii ay ka adkaadeen Uruguay.

Mbappe and Neymar may be fit to return to face Liverpool. GOAL

Haddaba, Tuchel ayaa cadeeyay in xiddigahani ay hubaal tahay inaysan safan doonin kulanka ay berri la yeelanayaan kooxda Toulouse balse waxa uu si weyn uga farxiyay jamaahiirtiisa kulanka Reds oo uu sheegay inay jirto suurtogalnimo weyn oo ay labadiisa garab kulankaas ku safanayaan.

Tababaraha ree Germany ayaa yidhi “Neymar iyo Kylian, Haatan warka fiican ayaa ah inuusan halis ahayn (dhaawacu), Laakiin halis ma gelin doono berrito”

“Iyagu ma ciyaari doonaan (Kulanka Toulouse) laakiin waxa jirta suurogalnimo ah inay kahor tagaan Liverpool, Waa suurogal, Anigu waxaan filayaa oo aragtidayda ah, Waxaan la hadlay dhakhtarka iyo ciyaartoyda, Waxaan filayaa inay ciyaari karayaan”

Haddiiba ay labadan xiddig dhaawac ku seegaan kulanka ay Reds soo booqan doonaan ayay dhabar jab weyn ku noqon doontaa kooxda ree France.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa kulankii hore guul kasoo gaadhay Paris Saint-Germain waxaana la eegi doonaa qaabka ay PSG uga jawaab celiso guuldaradii ay hore ugala yimaadeen gobolka Merseyside.