Miyay Kooxda Liverpool Ee 2019-20 Ka Fiican Tahay Midii Man City 2017-18 Ee BOQOLKA Dhibcood Horyaalka Ku Qaaday? Halyeey Paul Scholes Ayaa Ka Jawaabay.

Advertisements

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Paul Scholes ayaa aragtidiisa ka dhiibtay haddii ay kooxda Liverpool ee haatan hoggaanka u haysa Premier League ka wanaagsan tahay midii Man City ee 100-ka dhibcood ku qaaday horyaalka laba xilli ciyaareed kahor.

Advertisements

City ayaa qaab cajiib ah xilli ciyaareedkii 2017-18 horyaalka ugu qaaday 100 dhibcood, Sidoo kale markale ayay difaacdeen tartanka xilli ciyaareedkii dhawaa balse markaas ayay 98 dhibcood ku hantiyeen.

Si kastaba, Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan ah kooxda qarka u saaran inay tartanka ku guuleysato markeedii ugu horreysay taariikhda, Xiddigaha Klopp ayaa haatan 22 dhibcood ka fogaaday dhigooda Sky Blues oo 2-aad ah.

Intaa waxa dheer in Reds ay kaddib 25 kulan aysan wali wax guuldarro ah la kulmin iyagoo dhaafay heer laga hadlo haddii horyaalka laga qaadi karo balse kaliya laga doodayo haddii wax guuldarro ah la badi karo inta xilli ciyaareedka ka dhiman.

Haddaba, Halyeey Scholes ayaa aaminsan in Liverpool ay horyaalka ku guuleysatay laakiin aysan ka wanaagsanayn kooxdii City ee 2017-18 walibana uu qabo in kooxdaasi ay ciyaari lahayd kubad ka wanaagsan midooda haatan.

Paul oo su’aasha ka jawaabaya ayaa yidhi “Maya (Kama fiicna), Gaar ahaan maya, Waxaan wali filayaa in kooxda Pep inay markasta u ciyaari doonto si ka wanaagsan sida Liverpool-sha haatan, Shaqada way qabteem, Wax shaki ahi kama taagna midaas”.

 

Advertisements