Miyay Juventus Midaynaysaa Cristiano Ronaldo & Lionel Messi? Tababare Maurizio Sarri Oo Jawaab Cadaan Ah Ka Bixiyay Su’aashan Muhiimka Ah.

Advertisements

Tababaraha kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa si cad uga hadlay wararka maalmihii ugu dambeeyay isasoo tarayay ee sheegaya in kooxdiisu ay hoggaankeeda Cristiano Ronaldo la midaynayso kabtanka Barcelona ee Lionel Messi.

Advertisements

Dhawaan ayay soo baxeen warar Messi la xidhiidhinayay inuu markiisii ugu horreysay koox labaad ku biiri doono oo uu Barcelona kasii jeedo kaddib muran baraha bulshada ku dhex maray agaasimaha ciyaaraha kooxdaas ee Eric Abidal.

Leo ayaa bartiisa Instagram kaga jawaabay hadal kasoo yeedhay Abidal oo u warramayay Dario Sport kaas oo sheegay in xiddigaha kooxda badhkood ay sabab ku lahaayeen shaqo ka caydhintii Ernesto Valverde.

Si kastaba, Kooxaha dhawrka ah ee loo arko inay awoodaan saxeexa Messi lalana xidhiidhiyay ayay Juve qayb ka ahayd gaar ahaan haddii ay shaqada tababarenimo ee kooxdooda u magacaabaan Pep Guardiola xilli ciyaareedka dambe.

Sarri oo haatan ka hadlay wararkaa ayaa sheegay in 32 sano jirka ree Argentina uu yahay xiddig Barcelona ah isagoo dhinaca kale sheegay in haddii uu kamid yahay madaxda Barca uu odhan lahaa muxuu Maurizio Sarri naga doonayaa.

Tababarihii hore ee Chelsea ayaa yidhi “Leo waa ciyaartoy Barcelona ah, Haddii aan ahaan lahaa agaasime Barca ah, Waxaan odhan lahaa ‘Maxaa baas ee uu Sarri doonayaa’, Sidaas darteed waxaan doorbidayaa in aanan su’aasha ka jawaabin”.

Ugu dambayn, Wararka la xidhiidhinaya Messi dhinaca Juventus ayaa ku xidhan qorshahooda Guardiola oo ah qorshe Sarri qudhiisa booskiisa baxar gelinaya.

Advertisements