Miyay Jamaahiirtii Bernabeu Kusoo Dhaweeyay Eden Hazard Ka Badnaayeen Kuwii Cristiano Ronaldo & Ricardo Kaka Qaabilay 10 Sano Kahor?

Eden Hazard ayaa soo qaatay maalin cajiib ah oo sida uu xusay u noqon doonta mid taariikhiya waxaana uu xidhay maaliyadii riyadiisa ee cadaanka ahayd ee ay Real Madrid caanka ku tahay.

Hazard ayaa mudo dheer soo ahaa mid saxaafada u sheegi jiray rabitaankiisa ah inuu u wareego Madrid isaga oo sidoo kale sanado badan soo ixtiraamayay kooxdiisii hore ee Chelsea oo uu mudo dheer ixtiraam dartii ugu negaaday.

Hazard ayaa haatan imanaya Santiago Bernabeu isaga oo qaab wacan kusoo macasalaameeyay Blues isla markaana kula soo guuleystay UEFA Europe League kulankii ugu dambeeyay ee uu soo matalay.

Si kastaba, Wixii xiisaha gaarka ah u yeelay imaatinkii Hazard ee Real ayaa ahaa jamaahiirtii soo buux dhaafiyay gegida si ay ugu qaabilaan kooxdiisa cusub.

Saxaafada ayaa markii hore sheegaysay in soo dhawaynta Hazard ka qayb qaadan doonaan jamaahiir ka badan kuwii qaabilay Cristiano Ronaldo 10 sano kahor ama ugu yaraan kuwii soo dhaweeyay Ricardo Kaka.

Xaqiiqada ayaa ah in Hazard ay Bernabeu kusoo dhaweeyeen jamaahiir dhan 50,000 oo qof balse marnaba kama uusan sarre marin labada xiddig ee ka horreeyay.

Kaka ayaa ahaa mid helay soo dhawaynta 55,000 kun oo jamaahiir ah halka Ronaldo oo rekoodhka soo dhawaynaha haysta ay qaabileen 80,000 oo jamaahiir ahi.

Ricardo Kaka iyo Ronaldo ayaa labaduba ahaa kuwo abaalmarinta Ballon d’Or kusoo guuleystay kahor imaatinkoodii Madrid waana darajo kale oo ay dheeraayeen Hazard iyagoo sidoo kale da’ ahaan ka yaraa da’diisa haatan.