Miyay Cristiano Ronaldo & Matthijs de Ligt Taam U Noqon Karaan Kulanka Adag Ee Juventus Iyo AC Milan?

Advertisements

Jamaahiirta kooxda Juventus ayaa ka war sugaya haddii labada xidig ee Cristiano Ronaldo iyo Matthijs de Ligt ay diyaar u noqon karaan kulanka adag ee ay kooxdoodu la ciyaari doonto AC Milan.

Cristiano Ronaldo iyo Matthijs de Ligt ayaan tababarkii maanta ee kooxdooda qayb ka ahayn kadib dhaawacyo kala duwan oo soo gaadhay xiliyadii la soo dhaafay.

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa badal lagu saaray tobankii daqiiqo ee ugu danbeeyay kulankii ay Juventus guusha ka soo gaadhay kooxda Lokomotiv Moscow ee kulankii Champions league.

Maurizio Sarri ayaa ka war sugaya xaalada Cristiano Ronaldo kaas oo la xaqiijiyay in maanta uu kali tababarkii u sameeyay isla markaana uu seegay in uu la shaqeeyo Sarri iyo ciyaartoyda kale.

Advertisements

Matthijs de Ligt ayaa isagu horeba u seegay kulankii Juvnetus ay Champions league kula ciyaartay kooxda Lokomotiv Moscow kadib markii uu dhaawac ku soo gaadhay kulankii Derby della Mole ee Torino.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay kalsooni sii kordhaysa ku qabto in Ronaldo iyo De Ligt ay diyaar u noqon karaan kulanka adag ee ay AC Milan la ciyaari doonaan.

Laakiin wararka ayaa intaa raaciyay in Cristiano Ronaldo uu ka fursad fiican yahay De Ligt marka ay noqoto taam ahaanshaha ay shaxda Maurizio Sarri ugu soo bilaaban karaan.

Waxaa loo badinayaa in De Ligt uu kursiga kaydka soo fadhiisan karo balse ay suurtogalnimo wayn tahay in Cristiano Ronaldo uu shaxda Juventus ku soo bilaaban karo kulanka AC Milan.

Wariyaha shabakada Goal.com ee Romeo Agresti  ayaa cadeeyay in Ronaldo iyo De Ligt ay maanta oo jimce ahayd si gaar ah u tababarteen oo ayna kooxda inteeda kale la shaqayn.

Juventus ayaa axada soo dhawayn doonta kooxda ay waqtiga dheer soo xifiltamayeen ee AC Milan waana kulan saamayn ku yeelan kara kala saraynta Serie A iyada oo Juventus hal dhibic ka saraysa Inter Milan.

Si kastaba ha ahaatee, inta ka horaysa axada waxa uu Sarri hubin doonaa haddii Cristiano Ronaldo iyo De Ligt ay diyaar buuxa u noqon karaan kulanka AC Milan.

Advertisements