Miyay Barcelona Cabsi Ka Qabtaa Real Madrid Kaddib Soo Galistii Kaalinta Labaad? Tababare Valverde Oo Jawaab Adag Siiyay Saxaafada Madrid Ee Warkaas Abuuray.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa ka jawaabay hadalo kasoo yeedhay saxaafada Madrid oo sheegaya in kooxdiisu ay cabsi qaaday kaddib kasoo muuqashadii Real Madrid ee kaalinta labaad ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa dhibcihii ay Barcelona ka sarreysay ee 10-ka ahaa kusoo koobtay lix dhibcood labadii toddobaad ee tagay waxaana ay booska kaalinta labaad kala baxeen Atletico Madrid.

Isla wakhtiga ay Madrid horumarka soo samaynaysay Barca ayaa dhibco luminaysay balse faa’idada ah in Real ay soo gashay booska labaad ayaa noqotay mid laga hadal hayo caasimada.

Tababare Valverde ayaa sheegay in uusan garanayn cabsida la sheegayo balse ay kooxaha kale yihiin kuwa iyaga markasta soo hiigsada ee kusoo dhawaada maadaama oo ay booska koowaad ku jiraan.

Valverde oo wax laga weydiiyay haddii ay cabsanayaan ayaa yidhi “Sababma ayaan u cabsanaynaa? Waxaan markasta lahayn kooxo nala xifaaltama oo isku mid ah, Real Madrid, Atletico, Valencia…. Laakiin ma cabsanayno gabi ahaanba way nagu soo dhawaanayeen anaga sababtoo ah waxaanu nahay kuwa ugu sarreeya”

Barcelona ayaa maanta soo dhawayn doonta kooxda Real Valladolid intaa kaddib waxa ay gali doonaan marxalad adaygeeda leh iyaga oo afar kulan oo xoogan oo xidhiidh ah marti noqon doona, Kulamadaas ayaana kala ah Lyon (Champions League), Sevilla (La Liga), Real Madrid (Copa del Rey) iyo Real Madrid markale (La Liga).

Valverde oo ka hadlaya muhiimada kulamadaas ayaa yidhi “Waxa jira kulamo soo socda oo ah kuwo wax go’aaminaya sida kulanka Copa Del Rey ee Real Madrid”

“Sidoo kale waa inaanu eegno sida aanu ka samayno kulanka Champions League, Waa inaanu si aad u dagan u akhrino waxaana kamid ah kuwaas kulanka berri (Maanta), Waa asaasi inaanu helno saddexda dhibcood”