Miyay Awooda Chelsea Is Bedeshay Kaddib Bixitaankii Eden Hazard & Imaatinka Tababare Lampard? Jurgen Klopp Ayaa Ka Jawaabay Kahor Kulanka Super Cup-ka.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay wax ku saabsan kooxda ay habeen dambe ku kulmi doonaan Final-ka UEFA Super Cup ee Chelsea iyo haddii ay awoodeeda ciyaareed is bedeshay kaddib isbedelo ka dhex dhacay.

Jurgen ayaa markiisii ugu horreysay abid ciyaaraya kulankan Super Cup-ka ee Yurub kaddib markii uu ka baxay abaartii tartanka Champions League kasoo haysatay oo ay kooxdiisu Tottenham guul 2-0 ah ka gaadhay.

Liverpool ayaa kaddib hanashadii Champions League, Toddobaadkii hore weyday tartanka Community Shield-ka oo ay Manchester City ku hor kuftay balse waxa ay haatan isha ku haysaa Super Cup oo ay Blues ku wajahayaan.

Ugu horreynba, Klopp ayaa sheegay in koobkani uu yahay midka caddaynta ugu dambaysa u noqonaya kooxdiisa isla markaana inay kulankan joogaan ay la micno tahay inay Champions League kusoo guuleysteen.

Klopp ayaa yidhi “Super Cup-ka laftiisu maaha koob aan jeclaa anigu inaan daawado wakhtiyadii hore sababtoo ah anigu inta badan waxaan ahaa (Midka ku lagu garaaco Final-ka Champions League ama Europe League)”

“Super Cap-ku waa caddaynta ugu dambaysa, Haddii aanad kulankaas ku jirin waxa ay la micno tahay maad guuleysan Final-kii (Champions League), Taasi waa mid gabi ahaanba sidii hore ka duwan sanadkan, Sidaa darteed anagu waanu rajaynaynaa koobkan, Waa mid weyn”

Dhinaca kale Klopp ayaa sheegay in Chelsea ay guud ahaan is bedeshay maadaama oo uusan Hazard halkaas joogin isla markaana ay tababare cusub yeelatay.

Klopp oo arrimaha Chelsea ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan filayaa in Chelsea ay wax badan is bedeshay, Tababare cusub iyo Eden Hazard oo aan halkaas joogin intaa kaddib”