Miyaa La Ganaaxi Doonaa Angel Di Maria Kaddib Af-Lagaadadii Uu U Geystay Jamaahiirta Kooxdiisii Hore Ee Man United?

Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria ayaa ganaax mudan kara kaddib af-lagaado uu u geystay jamaahiirta kooxdiisii hore ee Manchester United intii lagu gudo jiray kulankii ay xalay kooxdiisu guusha weyn ee 0-2 ka ah gaadhay.

Xiddiga ree Argentina ayay kaameradu qabatay isaga oo cadaw ku ah jamaahiirta kooxdiisii hore kaddib goolkii furitaanka ee PSG balse haatan ayuu ganaax ku mudan karaa cawaaqib xumada kaga imanaysa ficiladiisaas.

Di Maria ayaa kulanka ku bilawday qaab gaabis ah balse kaddib qalad xun oo uu u geystay Ashley Young oo ku tuuray banaanka garoonka ayuu bilaabay inuu ugaadhsado kooxdiisii hore isaga oo bandhig wacan sameeyay qaybtii dambe.

Si kastaba, RMC Sport ayaa haatan daaha ka qaaday in Di Maria uu mudan karo ganaax kaddib markii la arkay isaga oo hanjabaad iyo inuu u dhaarto iskugu daraya jamaahiirta Red Devils intii lagu gudo jiray goolkii Kembempe.

Di Maria ayaa soo qaaday goolka Kimbebpe waxaana la arkay isaga oo kaddib dabaal dega ku jeeda dhinaca jamaahiirta isla markaana ku qaylinaya erayga “f*** off” sidoo kalena luuqada Spanish-ka u adeegsanaya inuu dhaarto.

Intaa kaddib jamaahiirta ayaa caagad kusoo tuuray Di Maria oo gees kalaad soo tuurayay balse waxa uu kaga jawaabay caawin kale oo uu ka sameeyay goolkii Di Maria.

Si kastaba ha ahaatee, Qoddobka 15-aad ee sharciga UEFA ayaa dhigaya in ciyaartoyda la ganaaxi karo hadii ay caayaan ciyaartoy amaba shaqsi kale oo goobta ku xaadir ah amaba daawadayasha kulanka.