Miyaa Cristiano Ronaldo Laga Gabaaxi Doonaa Kulamada UEFA Champions League? Atletico Madrid Oo UEFA Dacwad U Gudbinaysa Iyo Muuqaal Ronaldo Biyo Kulul Ku Dhex Riday.

Cristiano Ronaldo ayaa wacdaro cajiib ah ka soo dhigay kulankii lugtii labaad ee UEFA Champions League ee uu kooxdiisa Juventus ugu soo saaray siddeed dhamaadka tartankan kadib markii uu saddex gool ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid laakiin xaalad cusub ayaa soo baxday kadib markii la helay muuqaal muujinaya Ronaldo oo erayo aflagaado ah kula kacaya jamaahiirta Atletico Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa tixgalinaysa in ay dacwad u gudbiso xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA isla markaana waxay Cristiano Ronaldo ku eedaynayaan in uu erayo aflagaado ah kula kacay jamaahiirta kooxooda iyada oo horeba loo hadal hayay qaabkii uu Ronaldo ugu dabaal degay xiniinyo qabsigii Diego Simeone ay UEFA ku ganaaxday.

Kamarada Movistar Liga de Campeones ayaa soo bandhigtay muuqaalka Cristiano Ronaldo oo erayo aflagaado ah ku cel celinaya isla markaana si toos ah ugu sheegaya taageerayaasha kooxda Atletico Madrid waxaana kadib la soo bandhigay nooca erayada uu Ronaldo ku celceliyay.

Sida lagu shaaciyay sharaxaad ay dadka dabnaha akhriyaa ka sameeyeen muuqaalka kamaradaa Movistar Liga de Campeones waxa uu Ronaldo jamaahiirta Atletico Madrid ku aflagaadeeyay: “Hooyadiin w***. A*** ayaa idin dhashay” wuxuuna erayadan si toos ah ugu yidhi taageerayaasha Atletico Madrid.

Wargayska AS ee ka soo baxa caasimada Madrid ayaa sheegay in maamulka kooxda Atletico Madrid ay tix galinayaan in ay Ronaldo dacwad ka gudbiyaan maadaama oo ay ka cadhaysan yihiin aflagaadada uu u gaystay iyo waliba tilmaantii xiniinyo qabsiga ahayd ee uu jamaahiirta kula jeedsaday taas oo ay ogaayeen in macalinkooda Simeone loogu ganaaxay lacag dhan 20,000 kun oo euros.

Wargayska AS ayaa sheegay in haddii Atletico Madrid ay kiiskan sii xoojiso ay sabab u noqon karto in Cristiano Ronaldo baadhitaan lagu samayn doono taas oo uu ku mutaysan karo ganaax lacageed ama xataa in kulamo laga ganaaxi doono Champions League.

Cristiano Ronaldo iyo kooxdiisa Juventus ayaa sugi doona haddii ay UEFA baadhitaan kiiskan ku samayn doonto iyada oo haddii ay ku qanacdo dacwada Aletico Madrid iyo waliba muuqaalada la soo bandhigay in ay taasi keeni karto in Ronaldo uu ganaax mutaysan karo.