Min Hanashada Saddex Champions League Oo Xidhiidh Ah Ilaa Kursiga Keydka – Xiddig Cabasho Ka Muujiyay Imaatinka Tababare Santi Solari Ee Real Madrid.

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Keylor Navas ayaa cabasho xoogan ka muujiyay imaatinka kooxda ee tababare Santiago Solari kaas oo uu u waayay saamigiisa safka koowaad ee kooxda tan iyo markii uu bedalay Julen Lopetegui.

Markii uu xilka tababarenimo hayay tababare Lopetegui, Goolhayaha ree Costa Rica ayaa booska safka koowaad la qaybsan jiray Thibaut Courtois balse Solari ayaa yareeyay fursadaha uu garoonka kusoo galo.

Keylor Navas

Navas oo wakhtigii Lopetegui booska goolka kusoo bilaaban jiray tartamada Copa Del Reyi iyo Champions League ayaa haatan ciyaara kulamada Del Rey waxanaa uu keydka ku jiray labadii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdu ka ciyaartay tartanka horyaalada Yurub.

“Waxaan ka imid hanashada saddex Champions League oo xidhiidh ah ilaa inaanan ciyaarin” Ayuu Keylor u sheegay El Chiringuito oo uu barnaamij kala qayb qaadanayay.

Haddii imaatinka Solari uu wax bedelay waxa kaliya ee uu bedelay ayaa ah inuu bedelay qaabka uu xiddigahiisa ugu qaybiyo daqiiqadaha kulamada iyadoo xiddigaha Navas soo raaca ee aan faraxsanayn ay kamid yihiin Marco Asensio iyo Isco.

Kulankii Copa Del Rey ee Mellila ayaa ah kulanka kaliya ee uu Navas 90 daqiiqo ka ciyaaray tan iyo imaatinka Solari waxaana ay cadayn buuxda u tahay sida uu booskiisa u waayay Navas oo xubin muhiim ah ka ahaa kooxdii Zinadine Zidane ee saddexleyda Champions League ee xidhiidh ah hanatay.