Tobanka Ciyaartoy Ee Qiimaha Ugu Macquulsan Ee Suurtogalka Ah Lagu Heli Karo Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Xagaagan.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa sanadihii ugu danbeeyay noqday mid waali ah iyada oo xidigo aan tayo badan lahayn lagu qiimeeyo lacag malaayiin gini ah.

Dhawr sano ka hor ciyaartoyga lagu iibsado 50 milyan gini waxa uu ahaa mid hadal hayn badan reeba laakiin hadda xidigaha lagu qiimaynayo 50 milyan iyo wixii ka hooseeya ayaa loo arkaa kuwo qiimo ahaan suuqa aad ugu hooseeya.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa tobanka ciyaartoy ee xagaag ee xagaagan lagu heli karo qiimo ka hooseeya 50 milyan gini ee ay kooxaha Yurub ku dagaalami karaan si ay ula soo saxiixdaan.

1-Hakim Ziyech –Ajax

Qiimihiisa: £25m

Kooxaha Doonaya: Liverpool ,Arsenal, Manchester United

2-David Brooks – Bournemouth

Qiimihiisa: £40m

Kooxaha Doonaya: Arsenal iyo Tottenham

3-Aaron Wan-Bissaka – Crystal Palace

Qiimihiisa: £40m

Kooxda Doonaysa: Manchester United

4-Ryan Fraser – Bournemouth

Qiimihiisa:£20m

Kooxda Doonaysa: Arsenal

5-Nicolo Zaniolo – AS Roma

Qiimihiisa: £40m

Kooxda Doonaysa: Tottenham

6-Daniel James – Swansea City

Qiimihiisa: £15m

Kooxda Doonaysa: Manchester United

7-William Saliba – Saint-Etienne

Qiimihiisa: £25m

Kooxaha Doonaya: Manchester United, Arsenal

8-Andre Onana –Ajax

Qiimihiisa: £35m

Kooxda Doonaysa: Man United

9-Julian Brandt – Bayer Leverkusen

Qiimihiisa: £21.5m

Kooxda Doonaysa: Liverpool

10-Donny van de Beek – Ajax

Qiimihiisa: £45m

Kooxaha Doonaya: Bayern Munich, Tottenham

Dhamaan xidigaha ayaa ka mid ah kuwa suuqa kala iibsiga looga hadlayo ee ay suurtogalka tahay in kooxaha lala xidhiidhinayaa ay la wareegi karaan.