“Milan, Uma Kasin Inaan Ku Dhaawaco Deg-Deg Usoo Caafimaad”, Sergio Ramos Oo Farriin Raali Gelin Ah Hawada U Mariyay Xiddigii Uu Dhaawaca Daran U Geystay Ee Milan Havel.

Real Madrid ayaa guul weyn kasoo gaadhay kooxda Viktoria Plzen kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League wareegiisa afraad ee heerka Group-yada balse Kabtanka kooxdaas ee Sergio Ramos ayaa markale dhacdo si xoogan loogu eedeeyay ka sameeyay kulankaas.

Laba gool oo ka yimid Karim Benzema iyo saddex gool oo ay iskugu jawaabeen Bale, Casemiro iyo Kroos ayaa kooxda Santiago Solari ka caawiyay inay kusoo laabato tubta guusha ee kulamada Champions League.

Haddaba, Ramos ayaa intii lagu gudo jiray kulankaas sanka ka xusuleeyay xiddiga kooxda Plzen ee Milan Haval oo u baahday in daawayn fudud loo sameeyo kaddib dhiig badan oo ka baxay sankiisa oo ay jug xoogani uga timid dhinaca Sergio.

Ramos ayaa kulanka kaddib bartiisa Twitter-ka u adeegsaday inuu farriin raali gelin ah u mariyo xiddigan uu ku qasbay in garoonka laga saaro waxaana uu u sheegay inuusan ukas u dhaawacin isla markaana uu caafimaad degdeg ah u rajaynayo.

Qoraalka uu barta Twitter-ka Sergio soo dhigay ayaa odhanaya “Guul aan kor ugu kacnay sidoo kale aan wax ka baranay, Kubadda cagtu markasta wax ayay ku baraysaa caawana ma aysan ahayn inaan loolan noocaas ah galo, Milan, Uma aanan jeedin inaan ku dhaawaco, Degdeg usoo caafimaad”

Dhacdadan oo ah mid dunida gilgishay ayaa xusuusta ugu badan ee laga helayay ay tahay dhaawacii darnaa ee uu Ramos u geystay Mohamed Salah bilo kahor Final-kii UEFA Champions League jamaahiirta kubadda cagta ayaana soo jeediyay in xiddigan la ganaaxo kaddib dhacdadan kale.

Guushan ayaa ah mid si weyn usoo noolaynaysa rajada Madrid ee Champions League waxaana ay haatan figta ugu sarreysa ka fadhiyaan Group G oo ay sagaal dhibcood ka heleen afar kulan oo ay ciyaareen.