Mikel Arteta Oo Haatan Noqday Shaqsiga Ugu Cad Cad Inuu Qabto Xilka Tababare Ee Arsenal & Murashaxinti La Loolamayay Oo U Muuqda Kuwo Aan Diyaar U Ahayn Shaqada Gunners.

Kabtankii hore ee kooxda Arsenal haatana ah tababare ku xigeenka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ee Mikel Arteta ayaa marba marka ka dambaysa ku sii dhawaanaya inuu gacanta ku dhigo xilka tababarenimo ee kooxdiisii hore.

Maamulka Gunners ayaa Arteta u arka shaqsiga ku haboon ee badalka u noqon kara Arsene Wenger maadaama oo ay da’diisu yartahay isla markaana uu hore u garanayo dhaqamada kooxda iyo dabeecadaha kala duwan ee ciyaartoyda.

Arrinta ugu weyn ee caawinaysa 36 jirkan ree Spain ayaa ah in tababarayashi kula loolamayay shaqada Gunners aysan u muuqan kuwo diyaar u ah shaqadaas, Maxi Allegri, Joachim Low & tababaraha kooxda Hoffenheim ee Julian Nagelsmann ayaa ahaa shaqsiyaadka la filayay inay la tartamaan Arteta, Balse Allegri ayaa dhawaan xaqiijiyay inuusan ka bixi doonin kooxdiisa Juve ilaa ay iyagu caydhiyaan halka tababaraha xulka Germany ee Low uu saxiixay heshiis cusub isla markaana tababare Julian Nagelsmann la filayo inuu sii joogo kooxdiisa maadama oo uu u soo saaray UEFA Champions League.

Halyeeyada kooxda ee Theirry Henry iyo Patrick Vieira oo iyaga qudhooda lala xidhiidhinayay shaqada kooxda ayaan u muuqan kuwo ay maamulka Gunners xiisaynayaan.

Haddaba marka loo eego wararka soo baxaya ilaa hada iyo sida ay tababarayasha kale xiiso ugu muujinin booska uu banayn doono Wenger ayaa waxa muuqata in Mikel Arteta uu haatan yahay shaqsiga ugu cad cad ee xili ciyaareedka inagu soo aadan majaraha u hayn doona Arsenal.