Midkee Fiican Trent Alexander Arnold & Aaron Wan-Bissaka? Halyeey Rio Ferdinand Oo U Kala Gar Qaaday Jamaahiirta Man United Iyo Liverpool.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa jamaahiirta kooxdiisii hore iyo dhigooda Liverpool aragtidiisa uga sheegay farqiga u dhaxeeya labada daafac midig ee jiilka haatan soo wada baxay ah ee Aaron Wan-Bissaka iyo Trent Alexander Arnold.

Alexander Arnold ayaa kasoo baxay akaademiga Liverpool isagoo kamid ah xiddigaha Jurgen Klopp kuwooda ugu muhiimsan halka Wan-Bissaka uu noqday mid si weyn u qanciyay Ole Gunnar Solskjaer tan iyo markii uu xagaagii kaga soo biiray dhinaca Crystal Palace.

Ferdinand ayaa aaminsan ugu horreynba in labada ciyaartoy oo la isku daray uu kasoo dhex bixi lahaa xiddig heer kale ah sidoo kalena tababaraha labadoodaba wada haystaa uu yahay mid haysta mashiin.

Dhinaca kale Rio oo isku dayaya inuu sida ugu macquulsan usoo koobo kala duwanaanshaha xiddigahan ayaa sheegay in Arnold uu wanaagsan yahay marka uu kubadda haysto halka uu Wan-Bissaka ku sifeeyay mid difaacashada ku fiican.

Ferdinan oo ka hadlaya TAA iyo AWB ayaa yidhi “Haddii aad isku dari lahayd iyaga labada ciyaartoy si wadajir ah, Waxaad heshay ciyaartoyga ugu wanaagsan”.

“Aaron Wan-Bissaka marka ay hal-ka-hal (Fool ka fool) tahay, Waxaan arkay Sterling oo isaga kahor tagaya Sterling-na waa mid cidkasta dhaafa, Way ku adkaatay markii uu wajahay Wan-Bissaka”.

“Marka kubadda la haysto cidina uma dhawa oo uma fiicna sida Trent laakiin Trent daafasho ahaan marka hal ka hal ay noqoto isagu uma dhawa umana fiicna sida Wan-Bissaka, Sidaas darteed haddii aad haysato labadoodaba waxaay heshay mashiinka ugu fiican”.