Midkee Dhaqan XUN Ronaldo & Messi? AKHRISO Tirada Kaadhadhka Casaanka & Hurdiga Ah Ee Ay Kala Qaateen & Kulamada Mid Kasta Ganaax Ku Seegay Waayihiisa Ciyaareed.

Xalay ayay ahayd markii markale dunida kubaddu cagtu ay soo aragtay mid kamida xiddigaha ugu fiican taariikhda oo kaadh casaan ah qaadanaya waana Lionel Messi oo laga saaray kulankii Chile.

Messi ayuu casaankaasi u ahaa midkiisii labaad ee uu abid qaatay dabcan marka si loo eegana waa wax wanaagsan inuu kaliya laba casaan soo qaatay 16 sano oo uu heerka ugu sarreeya kasoo ciyaarayay.

Nasiib darada ayaa ah in Messi uu labada kaadh casaanba qaatay isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran iyadoo casaanka hore uu ahaa kulankiisii ugu horreeyay ee uu Argentina metelo waxaana loo taagay kaddib kaliya 43 il-bidhiqsi oo uu garoonka ku jiray.

Kaadhka labaad ayaa ahaa midkii xalay uu Messi qaatay kaddib isku dhacii isaga iyo Gary Medel walow uu Leo u muuqday mid aan samayn wax qalad ah oo uu casaan ku mutaysto isla markaana si weyn loo eedeeyay go’aankaas.

Haddaba, Anaga oo isticmaalayna xogta shabakada caanka ah ee Transfermarkt ayaanu iskugu kiin soo ururinay dhammaan kaadhadhka jaalaha (Hurdiga) ah iyo kuwa casaanka ah ee ay qaateen labada xiddig ee ugu fiican jiilkan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Intaa waxa dheer inaanu sidoo kale idiin hayno xogta kulamadii ay ganaaxyo ku seegeen taas oo la micno ah inaad halkan kaga boggan karto dhinaca xun ee xiddigahan dunida kubadda cagta soo haystay.

Halkan Hoose Kaga Boggo Xogta Dhinaca Taban Ee CR7 & Messi

Ronaldo

Kaadhadhka casaanka ah = 11

Kaadhadhka hurdiga ah = 120

Kulamada Uu Ganaaxa Ku Seegay = 24

Messi

Kaadhadhka casaanka ah = 2

Kaadhadhka hurdiga ah = 77

Kulamada Uu Ganaaxa Ku Seegay = 4