Midkee Ayaad Doorbidaa Lionel Messi Iyo Neymar JR? – Da’yarka Real Madrid Ee Rodrygo Goes Oo Su’aashan Muhiimka Ah La Weydiiyay & Jawaabtiisa

Advertisements

Da’yarka kooxda Real Madrid ee Rodrygo Goes oo saxaafada wajahay kahor kulanka Brazil iyo Argentina ee Saudi Arabia ka qabsoomaya ayaa wax laga weydiiyay hoggaanka xulkiisa ee Neymar JR iyo midka Argentina ee Lionel Messi.

Rodrygo ayaa xagaagii dhawaa usoo wareegay Real isagoo kaga soo biiray dhinaca horyaalka dalkiisa waxaana uu haatan u muuqdaa mid kasbaday quluubta taageerayaasha kooxdiisa iyo mida tababare Zinadine Zidane labadaba.

Image result for Neymar and Messi"

18 sano jirkan ayaa mudada uu socdo xilli ciyaareedkani gaar ahaan toddobaadyadii dambe oo uu boos joogto ah ka helay Los Blancos muujiyay awoodiisa ciyaareed gaar ahaan gool dhalintiisa cajiibka ah.

Waxa uu saddexley soo dhaliyay kulankii ay kooxdiisu guusha weyn ee 6-0 ka ah ku xaaqday dhigeeda ree Turkey ee Galatasaraay isagoo taariikhda ku galay saddexdiisii gool ee kulankaas.

Advertisements

Xaalad kastaba, Dedaalkii Rodrygo ayaa noqday mid qaybo kamida midho dhalkiisii uu yahay in looga waco xulka Selecao ee wajahaya Argentina oo uu hadda qayb ka yahay.

Mar wax laga weydiiyay midka uu dooran lahaa Neymar iyo Messi kahor kulanka labada xul qaran ayuu Rodrygo kasoo saftay dhinaca xiddiga dalkiisa isaga oo yidhi “Waxaan odhanayaa dhinaca Brazil, Neymar”.

 

Advertisements