Mid Ka Mid Ah Jamaahiirta Arsenal Oo U Jawaab Celiyay Halyeyga Kooxdooda Ian Wright, Kadib Markii Uu Ku Dooday In Mesut Özil Uu Ka Wanaagsan Yahay Dennis Bergkamp.

Kubad qaabeeyaha xulka qaranka Germany iyo kooxda Arsenal Mesut Özil ayaa si xoogan loogu dhaleeceeyay hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedkii lagu bartay xiliyaii lasoo dhaafay uu kasoo muuqday safka Arsenal, waxayna kaga timid dhaleeceenta ugu badan qaar ka mid ah halyeeyadii soo maray Gunners Jamaahiirta iyo falaqeeyaasha kubada cagta.

Waxaa ka mid ahaa halyeeyada Arsenal ee si xoogan u weeraray laacibka ree Germany iyo kooxda Arsenal Mesut Özil, Ian Wright, laakiin dhaleeceentiisa ayaanan ku koobneen kaliya hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedkiisa, waxaa sidoo kale ka mid ahaa weerarkiisa inuusan ogolaan heshiis kor dhinta kooxda Gunners.

Sida caadiga ah ciyaartoyda kubada cagta ee haatan ayaa lnta badan lala barbar dhigaa halyeeyadii hore soo martay kubada cagta, sidaasi waxaa jiray isbarbar dhig ku aadanaa Ozil iyo halyeeyadii hore Gunners ee Dennis Bergkamp, iyadoo ay jamaahiirta Arsenal ay rajo xoogan ay ka muujinayeen in laacibkii hore kooxda Real Madrid uu gaari doono heerka halyeeyga ree Holand, laakiin waxaa jira sidoo kale kuwa arkayay Ozil in uu xitaa ka fiican yahay Bergkamp.

Balse mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Arsenal ayaa wuxuu xaqiijiyay in Ozil awood ahaan, tayo ahaan iyo farsamoba uu kaga fiican yahay Bergkamp, wuxuuna u arkaa in laacibkii hore reer Dutch uu ahaa mid nasiib badan, maadaama uu ku soo aaday xili Gunners ay ahayd koox awood badan oo aad u wanaagsan.

Si kastaba Ian Wright ayaa wuxuu soo daabacay qoraalka uu soo dhigay taageerahan wuxuuna yidhi: “Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka hadlo fikradiisa, wuxuuna soo raaciyay astaamo muujinaya qosol, si uu ugu maadeysto, qaabka uu fikirkiisa ku cabiray”.

 

Comments

comments