Michael Essien Oo Kooxdiisii Hore Ee Chelsea Uga Digay In Laacibka Reer Belgium Ee Eden Hazard Uu U Dhaqaaqo Horyaalka La Liga Gaar Ahaan Real Madrid.

Ciyaaryahankii hore kooxda Chelsea Michael Essien ayaa kaga digay kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Blues inay isla lumiyaan saxiix xidigooda ugu muhiimsan Stamford Bridge Eden Hazard, si uu ugu dhaqaaqo dhigooda ree Spain ee Real Madrid xili ciyaareedka soo aadam maadaama ay xiiso balaadhan ka muujinayaan adeegiisa.

Waxaa jira warar xan ah ee ku aadan in 25 jirkaan heerka caalami ee reer Belgium, Eden Hazard uu ogolaaday inuu u dhaqaaqo safka kooxda uu hogaamiyo macalinka ree France Zinedine Zidane ee Real Madrid, waana waxa ay walaac xoogan ka muujinayaan saraakiisha kooxda Chelsea.

Laakiin laacibka reer Ghana ahna xidigii hore kooxda Blues ayaa ka hadlay arintan wuxuuna ugu horeyn hadalkiisa ku bilaaway: “Waxaa waajib ah in Chelsea ay sida ugu dhasida badan heshiis cusub kaga saxiixato Eden Hazard, sababtoo ah laacibka ree Belgium wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu wanaagsan horyaalka Premier League-ga, sidaas darteed Blues waxay xili kasta u baahan tahay adeegiisa”.

Michael Essien ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “In Chelsea ay lasoo saxiixato badalka Eden Hazard, waxay ku qaadan doontaa inay ku bixiso lacago fara badan, laakiin waxaan rajeenayaa in labada dhinac ay sii wada shaqeeyaan mudo aad u fog”.

Chelsea ayaa dhawaan dalab cusub u bandhigtay wiilkeeda Eden Hazard si ay u wanaajiso heshiiska uu ku joogo Stamford Bridge, waxayna diyaar u tahay in heshiiska uu haatan isbuucii ka qaato ay gaarsiiso ilaa iyo 350 kun ginni, si kaliya ay kaga hor istaagto isku dayada ay ku dooneyso Real Madrid inay ku qaadato saxiixa laacibkan ree Belgium.