“Mesut Ozil Waa Nin Dumar Jecel” – Xiddig Hore Oo Arsenal Ah Oo Shaaca Ka Qaaday Balwad Qarsoodi Ah Oo Uu Mesut Ozil Leeyahay.

Advertisements

Weeraryahankii ku fashilmay kooxda Arsenal ee Nicklas Bendtner ayaa shaaca ka qaaday mid kamida dabeecada xiddigii ay kooxdaas ka wada tirsanaayeen ee Mesut Ozil iyo xidhiidhyo dhex maray wakhtigoodii kooxda.

Bendtner ayaa shaaca ka qaaday in Ozil markii uu usoo wareegay magaalada London iyo kooxda Arsenal uu ahaa mid jecel noloasha habeenkii isla markaana uu taas kula saaxiibay isaga oo qudhiisu habeen bax badnaa.

Advertisements

Image result for Bendtner and Ozil"

Buuga cusub ee uu haatan Bendtner qoray ee loo yaqaan “Both Sides/Labada Dhinac” oo lagu daabacay qayb kamida wargeyska Mirror ayuu xiddigii hore ee Gunners shaaca kaga qaaday in ay tiraba saddex jeer baxeen toddobaadkii ugu horreeyay ee uu Mesut London soo gaadhay.

Weeraryahanka heer caalami ee Denmark ayaa xusay in Ozil uu yahay mid xiiseeya dumarka balse uusan dhibaatooyin kale lahayn marka ay noqoto in suuqa loo raaco.

Advertisements

Nicklas ayaa yidhi “Iyadoo aan wax faah-faahin ah la samaynayn, Waxaad si nabdoon ku odhan kartaa inuu jiro wax ku saabsan hadalka ah in Ozil uu yahay doob (Nin haween jecel), Intii lagu jiray toddobaadkiisii koowaad ee London saddex jeer ayaanu safar qaadanay”.

“Isagu uma dhaqmo sidii qof waalan ama gaar ahaan maaha mid wax dalbada marka uu banaanka joogo laakiin wuu yaqaana sida loo sameeyo sida dad badan oo kalena waxa uu jecel yahay dumarka, Shaki kama taagna midaas”.

Ozil ayaa dhawaan guursaday gabadhii hore u noqotay mida ugu quruxda badan dalka Turkey-ga ee Amine Gulse oo ay dhawaan aroos ku dhigteen dalkaas.

Advertisements