Mesut Ozil Oo Ka Baxay Aamusnaanta, Kadib Markii Uu War Rasmi Ah Kasoo Saaray Sawirkii Uu La Galay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan.

Xidiga asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga balse qaatay dhalashada dalka Germany ee Mesut Ozil ayaa war rasmi ah kasoo saaray sawirkii uu la galay madaxweynaha dalka Turkiga ee Rajab Dayib Erdogaan taasoo keentay in dhaleeceyn weyn uu kala kulmo jamaahiirta iyo saxaafada dalka Germany, kahor inta uusan bilaaban koobka aduunka 2018 ee dhawaan lagu soo xidhay dalka Russia.

Mesut Ozil ayaa horey u diiday inuu wax faalo ah ka bixiyo sawirkii bishii May ee lasoo dhaafay uu la galay madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan, taasoo keentay in xidhiidhka kubada cagta Germany uu kasoo saaro war rasmi ah ee ka dhan ah hab dhaqanka Ozil iyo İlkay Gündoğan iyagoo ku tilmaamay waxa dhacay “siyaasad nacasnimo ah “.

Mesut Ozil ayaa warkan rasmiga ah uu soo saaray aanan kaga hadlin mustaqbalkiisa xulka qaranka Germany, balse wuxuu kaga hadlay sawirka muranka dhaliyay ee isaga, Gündoğan iyo Rajab Dayib Erdogaan.

Xidiga kooxda Arsenal ee Ozil ayaa yidhi: “Todobaadyadii la soo dhaafay waxaan naftayda siiyay waqti ku filan si aan kaga jawaabo wixii dhacay dhowr bilood ka hor, waxaan doonayaa inaan kula wadaago fekerkayga iyo dareenadeyda wixii dhacay”.

Ozil ayaa sii raaciyay: “Dad badan waxay leeyihiin inaan heysto asal ka badan hal wadan, waa run in aan ku koray Germany, laakiin qoyskaygu wuxuu ka yimid Turkiga, waxaan haystaa laba qalbi, mid waa Germany midka kale waa Turkiga, tan iyo caruurnimadeyda hooyo waxay i bartay inaan ixtiraamo mana xasuusto meesha aan ka imid, waxaana jira qiimayaal aan wali ka fekerayo ilaa maanta”.

Tababaraha kooxda Germany ayaa go’aansaday in Mesut Ozil uu ugu yeero liiskiisa xulka kadib sawirkii uu la galay Rajab Dayib Erdogaan, taasoo lagu tilmaamay inay ahayd talaabo uu ku deg degay isla markaana loo baahnaa inuu si daganaan ah uu kaga fiirsado, waxayna warbixinada qaar tilmaameen inay wanaagsan tahay in laacibka uu isaga fariisto gabi ahaanba ciyaaraha caalamiga, balse xidiga ayaa arintan ilaa iyo haatan ka hadlin.