Tartankii Neymar Jr Oo Kululaaday Iyo Juventus Oo Barcelona Ka Leexsanaysa.

Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay soo gashay tartanka loogu jiro saxeexa garabka Paris Saint-Germain ee Neymar JR iyagoo kula tartamaya soo xero-galintiisa kooxo ay ugu horreyso Barcelona.

Neymar ayaa markasta wax cad kasoo dhigay inuu doonayo la ciyaarista Lionel Messi iyo Luis Suarez markale balse Paris Saint-Germain ayaa soo muujisay inaysan marnaba si sahlan waxba ku siinayn Barcelona.

Intaa waxa dheer in marka laga yimaado saamaynta dhaqaale ee xun ee uu keenay caabuqa Korona, Neymar ayaa xaalada markiisa ku adkaynaya PSG isaga oo aan doonayn inuu mushaharkiisa aadka u badan dhimo in mudo ah.

Haddaba, sida lagu sheegay il wareedka ree Talyaani ee Gold 7 Juventus ayaa ah mid ku waalan ku guuleysiga Champions League waxaana ay 28 sano jirkan ree Brazil u arkaan mid ku dhawaynaya ka dhabaynta riyadaas ay leeyihiin.

Si ay heshiis ula gaadhaan Paris Saint-Germain, Bianconeri ayaa doonaya inay kooxdaas ula tagaan qorshaha ah in Paulo Dybala ay heshiiska kusoo daraan si ay lacagta lagu iibsan karo Neymar hoos ugu dhigaan.

Si kastaba ha ahaatee, Juve ayaa isku dayaysa waxkasta oo ay kusoo xero galin karto Neymar walow ay adagtahay, waxa la xasuusan karaa in sidan si lamid ah loo yidhi inay ku adkaan doonto inay Cristiano Ronaldo kasoo wadaan Madrid balse ay taas hore usoo sameeyeen.

Barcelona offer for Neymar rejected as PSG due to Paulo Dybala ...

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook