MEEL KU QORO: Taariikhda La Ciyaari Doono Kulamada Merseyside Derby, Manchester Derby & London Derby Oo Lagu Dhawaaqay.

Maamulka Premier league ayaa shaaciyay jadalka isku aadka kulamada xili ciyaareedka cusub ee horyaalka ingiriiska waxaana hadda la ogyahay taariikhda la ciyaari doono kulamada ugu xiisaha badan ee Manchester derby, London derby iyo waliba Merseyside derby.

Waxa kale oo la ogyahay taariikhda la ciyaari doono kulanka England ugu wayn ee Liverpool iyo Manchester United iyada oo ay tahay in haddaba aad meel ku sii qorato taariikhaha muhiimka ah.

Kulanka hore ee Manchester Derby ee kooxaha Manchester City iyo Manchester United waxa uu December 7,2019 ka dhici doonaa Etihad Stadium halka kulanka labaad ee Machester Derby uu Old Trafford ka qabsoomi doono March 7,2020.

Kulanka hore ee Merseyside derby ee kooxaha Liverpool iyo Everton ee ee Premier league waxa uu Anfield ka dhici doonaa December 4,2019 waana saddex maalmood ka hor kulanka Manchester derby ee Etihad stadium halka kulanka labaad ee kooxaha Everton iyo Liverpool waxa uu Goodinson Park ka dhici doonaa, March 14,2020.

Kulanka hore ee London derby ee kooxaha Tottenham iyo Arsenal ayaa Emirates stadium ka dhici doona August 31,2019 halka kulanka labaad ee garoonka Tottenham uu qabsoomi doono April 24,2020.

Kulanka England ugu wayn ee Manchester United iyo Liverpool ayuu kulanka kowaad ka qabsoomi doonaa Old Trafford marka ay taariikhdu tahay October 19,2019 halka kulanka labaad uu January 18, 2020 ka dhici doono Anfield.

Kulanka Manchester City iyo Liverpool ee hore waxa uu Anfield ka dhici doonaa November 9,2019 halka kulanka Etihad stadium ee Man city iyo Liveprool uu qabsoomi doono April 4,2020.

Manchester Derby:

07/12/2019 – Manchester City v Manchester United

07/03/2020 – Manchester United v Sheffield United

Merseyside Derby:

04/12/2019 – Liverpool v Everton

14/03/2020 – Everton Vs Liverpool

North London derby

31/08/2019 – Arsenal v Tottenham Hotspur

25/04/2020 – Tottenham Hotspur v Arsenal

Kulamada kale ee Muhiimka Ah

October 19,2019- Manchester United vs Liverpool

January 18, 2020- Liverpool vs Manchester United.

November 9,2019- Manchester City Vs Liverpool

April 4,2020- Liverpool vs Manchester City